Wasiirka Waxbarashadda XFS oo Booqday Xarunta Farsamada Gacanta lagu barto ee magaaladda Cape town

Date:

Cape Town (SNTV)- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre oo Safar shaqo ku jooga dalka South Africa ayaa maanta booqday College of Cape Town oo ah Xarun lagu barto Xirfadaha Farsamada Gacanta.

Wasiirka ayaa Xaruntaasi kula kulmay Madaxda College-ka, waxaana Warbixin ay ka siiyeen Habka ay u shaqeeyaan iyo Qalabka ay wax ku baraan Dhalinyadda Xirfadaasi barata.

“Maanta waxaan kormeer ku tagay College of Cape Town oo ah mid lagu barto xirafadda farsamada gacanta , waxaan kula kulmay madaxda College-kan wuxuu faah faahin iga siiyay habka ay u shaqeeyaan iyo qalabka ay wax ku baran dhalinyarada barta xirfaddan” ayuu yiri Wasiir Goodax

Mudane Cabdullaahi Goodax Barre Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka codsaday Maamulka Xaruntaasi in Gacan laga siiyo Siddii Soomaaliya looga hirgelin lagaa Xarumo Casri ah oo lagu barto Farsamada gacanta, si dhalinyaradda Soomaaliyeed ay uga faa’iideystaan.

Wasiirka ayaa Xusay in Wasaaradda Waxbarashadda XFS ay ka go’an tahay in dalka laga hirgeliyo Dugsiga farsamada gacanta, arrintaasi oo uu xusay in Shaqo abuur ay ka helayaan Dhalinyaradda Soomaaliyeed.

“Waxaan ka codsanay inay gacan naga siiyaan sidii dalkeenna looga hirgelin lahaa xarumo casri ah oo lagu barto farsamada gacanta si dhalinyarada Soomaaliyeed uga faa’ideystan, Wasaaradda waxbarashadda hiddaha iyo tacliinta sare waxaa ka go’an  hirgelinta dugsiga farsamada gacanta taasoo sahleysa in shaqo abuur ay helan dhalinyarada Soomaaliyeed.” ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Hindise Sharciyeedka Dambiyada Saybarka Soomaaliya

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Shirweynaha dhallinyarada Soomaaliyeed ee Isbeddelka Cimilada oo ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Dhallinyarada Soomaaliyeed ee Isbeddelka Cimilada 2025 ayaa si...

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb-galay casho-sharaf uu u sameeyay Madaxweynaha Galmudug

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo...

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray Xarummo muhiim u ah Galmudug 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...