Taliyaha Ciidanka Booliska oo safar shaqo ku tagay Magaaladda Gaalkacyo

Date:

Gaalkacyo (SNTV)-Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye gaas Bashiir Cabdi Maxamed iyo Saraakiil uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaaladda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyey Saraakiisha Booliska ee gobolkaasi ka howlgala.

Taliyaha ayaa kormeeray Xarumaha iyo Fadhiyada Ciidanka Booliska ay ku leeyihiin magaaladda Gaalkacyo, waxaana uu kulan la qaatay Saraakiisha sare ee Ciidanka.

Sarreeye gaas Bashiir Cabdi Maxamed Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in kulanka uu la qaatay saraakiisha booliiska labada maamul ee Puntland iyo Galmudug uu yahay mid qeyb ka ah dadaalada loogu jiro in la helo wada shaqeyn buuxda oo dhax marta ciidamada booliiska soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, maadaama haddii la helo wada shaqeyn joogto ay qeyb ka qaadaneeyso yareynta  falal danbiyeedyada ka dhaca  Dalka.

Wafdiga  uu hoggaaminayay Taliyaha Ciidanka Booliska S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed ayaa muddooyinkii u danbeeyay  howlo shaqo oo ku aadan u kuur galida shaqada ciidanka Booliska iyo ka war doonista  baahiyada Ciidanka booliiska  ku marayay deegaano ka tirsan Dawlad Gobaleedka Puntland.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga oo Garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Wasiirka difaaca Sweden

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cumar Cali Cabdi, ayaa...

Kulan looga hadlayay Isu-duwidda Maareynta Masiibooyinka oo lagu qabtay Muqdisho

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka SoDMA iyo UN Women ayaa...

Wasiirka Qoyska oo Geneva kulamo kula yeelatay qaar ka mid ah danjirayaasha caalamka ee QM

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda...

Safiirka JFS ee Aljeeriya oo kulan la qaatay Taliyaha Guud ee Booliska dalkaas

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Aljeeriya, Danjire Yusuf...