Mas’uuliyiinta Soomaalida Kenya oo Gaashaanka u daruurtay in xilligan la celiyo Qaxootiga Dhadhaab

Date:

Gaarisa-(SNTV)-Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamanka is-maamulka Gaarisa Kenya, Maxamed Cali Sheekh, ayaa Gaashaanka u daruuray in Soomaalida ku nool Xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab ay gabbaad siiyaan Kooxda Al-Shabaab ama laga soo maleego falalka argagixisanimo.

Hadalkan Mudane Maxamed, ayaa jawaab u ahaa codsi uu Gudoomiyaha Gobolka Tana River ee Dalkaasi, Daado Godana, u diray Dowladda dhexe, kaas oo ahaa in Dalkooda Hooyo lagu celiyo Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Xeryaha Dhadhaab, maaddaama halkaasi laga soo abaabulo weerarada ay Kooxda Al-Shabaab ka geysato gudaha Kenya.

Guddoomiye Maxamed Cali, ayaa sheegay in Dadka Qaxootiga ah ay marti gelisay Dowladda is-maamulka Gaarisa, wuxuuna hadalka , Daado Godane ku tilmaamay mid isir nacayb ah, isla markaana uusan ka hadli Karin maadaama aysan Dhadhaab ahayn degaankiisa.

Wuxuu sidoo kale Gudoomiyuhu walaac xooggan ka muujiyay hadalka Daada Godane, isagoo sheegay in ay ujeedadu tahay mid uu ku doonayo in lagu wax yeelaayo dadka Soomaaliyeed ee degan Gobolka Tana River, colaad sokeeyana uu ka abuuro halkaas.

Laamaha ammaanka ee Dalka Kenya ayuu ka codsaday in ay ka feejignaadaan hadalada ka imanaya Daado Godane, wuxuuna codsaday in lala xisaabtamo oo tallaabo sharci ahna laga qaado.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjire Cabdikarin Axmed oo warqadihii aqoonsiga u gudbiyay Madaxda Finland

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden Cabdikarin Axmed Maxamed...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th March, 2026

1- President Hassan Sheikh Mohamud led the Eid al-Fitr...

Hay’adda SODMA iyo Maamulka K/ Galbeed oo Bakool ka sameeyay howlo biyo dhaamin ah

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), oo kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

CIID MUBAARAK 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Salaadda Ciidul...