Soomaaliya iyo Turkiga oo iskaashi ka yeelanaya socdaalka iyo isdhaafsiga Xogaha

Date:

Turkiga (SNTV):– Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo safar shaqo ku jooga dalka Turkey ayaa kulan la qaatey ku simaha agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka dalka Turkey.

Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen agaasimaha guud wasaaradda amniga, u qeybsanaha socdaalka iyo mas’uuliyiin kale oo ka socdey safaaradda Soomaaliya ayaa looga wada hadley iskaashi laga yeesho socdaalka, isdhaafsiga xogaha iyo khibradaha.

Xariirka Soomaaliya iyo Turkey ayaa ah mid sii xoogeysanaya oo dhinacyo badan leh, waxaana jira isku socod dhinacyada dadka iyo ganacsiga ah oo ka dhaxeeya labada dal.

Agaasimaha guud ayaa sidoo kale booqdey safaaradda Soomaaliya ay ku leedahey dalka Turkey, isaga oo kulamo la qaatey madaxda safaaradda iyo saraakiisha socdaalka ee ka howlgala.

Dowladda Soomaaliya ayaa xoojineysa xariirka iyo wadashaqeynta dalalka caalamka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Buulo burde oo ku soo baxday Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Degmada Buulo burde oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa...

Wasiirka xanaanada xoolaha oo qaabilay wafdi ka socda Hay’adda WFP

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Mudane Xasan...

Kulan lagu soo dhaweynayo dhammaystirka Dastuurka dalka oo lagu qabtay Muqdisho

Kulan lagu soo dhoweynayay dhammaystirka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Kismaayo oo u gudubtay wareegga 3-aad ee Tartan cilmiyeedka Ramadaan

Degmada Kismaayo oo ka tirsan Gobolka J/Hoose ayaa u...