Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Baydhabo kula kulmay Odayaasha Dhaqanka

Date:

Baydhabo (SNTV):- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Gudoomiye Ku-Xigeenka 1aad ee Barlamaanka Cabdi wali Sheekh Ibraahim muudeey ayaa Kulan is Xog-wareysi ah La Qaatay Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed, kuwaasi oo Laf dhabar u ah Hogaanka Bulshada Koonfur-galbeed,

Gudoomiyaha ayaa Warbixinno La Xiriirta Xaaladaha Koonfur-galbeed Ka Dhageystay Qaar Kamid ah Odayaasha iyaga Oo Ka Hadlay Arimahii Ka dhacay Koonfur-galbeed Maadaama ay Yihiin Dadkii Qeyb Lexaad Leh Ka Qaatay Dhismihii Maamuladii Soo maray Koonfur-galbeed,

Odayaasha ayaa soojeediyay inay diyaar u yihiin nabadeynta iyo garab istaagga Maamulka Koonfur-galbeed Hogaanka Cusub ee Uu Yeeshay Maadaama ay filayaan inuu Wax Badan oo Horumar ah gaarsiinayo Shacabka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Odayaasha Waxay qireen in wixii dhibaata ah ee Ka dhacay Koonfur-galbeed Shacabka ay Ka gudbeen ayna Diyaar u yihiin Xal waliba inay Ka qeyb qaataan ,

Intaas Ka dib Gudoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Odayaasha Dhaqanka Kala hadlay arrimihii ay Soo jeediyeen, Wuxuuna u jeediyay in Si deg deg ah ay u xalin doonaan dhamaan howlaha wax ka qabashada u Baahan,

“Waxaan Si gaar ah u dhinac istaagi doonaa Dadka Tabashooyinka Qaba iyo dhamaan dhinacyada u baahan inay nala Shaqeeyaan Si daawa Loo Helo Waa in marka hore wixii dhibka Keenay aan Ka bilownaa ,

Gudoomiyaha yaa intaasi sii Raaciyay ” Waxaa Jiri doona Kulamo Joogta ah Oo Wada Tashi Ku Saabsan Oo aan La yeelan doono sidoo Kalena Laga Warqabi Doono Odayaasha Dhaqanka,”

Ugu Dambeyn Guddoomiyaha Ayaa Odayaasha Dhaqanka U Balanqaaday Inay Gaar ahaan Iyo Guud ahaanba Ay Heli Doonaan Garab Istaag Odayaasha dhaqanka

” Mar waliba Waa In La xusuusnaadaa inaad tihiin tiirarkii dawladnimada runtii Waana La idin baahan yahay Waa in la idinka warqabaa anagoo ah Madaxdii Federaalkana Waan Ka Shaqeyn Doonaa Inaan Xuquuqdiina Heshaan,”ayuu Hadalkiisa Kusoo Gabagabeeyay Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo fariin culus ka jeedisay Shirka Shaqaalaha Adduunka ee Geneva

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Mudane Yuusuf Maxamed...

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaan doona...

Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

Muxudiin Cabdisalaan Maxamuud “Daqare”,ayaa lagu soo eedeeyay kamid ahaanshiyaha...

Shirweynaha Qaran ee Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo ka socdo Muqdsho maalintii labaad

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Dowladda Federaalka...