Wasiir Beyle oo Dalalka Sacuudiga iyo Aljeeriya uga mahadceliyay deymihii ay ka cafiyeen Soomaaliya

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Dr; C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in Dalalka Carabta ka cafiyaan deymaha,si ay taasi Gogal-xaar ugu noqoto saamaxaadda deymaha ee Caalamka intiisa kale.

Mr; Beyle oo hadal ka jeediyay Shirka Wasiirrada Jaamacadda Carabta ee ka furmay Magalada Bayruut ee Dalka Lubnaan , ayaa uga mahad celiyay Dowladaha Carabta taageerada joogtada ah iyo meelmarinta qaraarrada la horkeeno Golaha, si loo taageero dedaallada socda ee fulinta qorshayaasha horumarinta Qaranka iyo cafinta Deymaha Soomaaliya.

“Taageerada Caalamiga ah iyo tan Jaamacadda Carabta ee Dalka waa lagama maarmaan waana xaq walaalnimo, si loo xaqiijiyo qorshayaasha leh mudnaanta islamarkaana loo daboolo caqabadaha caqabadaha dhinaca ammniga, dhaqaalaha iyo Bulshada.” Ayuu yiri Wasiirka Maaliyada.

Waxa uu mahad celin u jeediyay, Wasiirka Maaliyadda, C/raxmaan Ducaale Beyle, Dalalka Sacuudiga iyo Aljeeriya oo ka cafiyay deynta Soomaaliya, taasi oo ka dhigan deynta haatan lagu leeyahay Dalka in ay tahay 4.6 Bilyan oo Dollar oo ay ku jirto 1.1 Bilyan oo ay leeyihiin Dowladaha Carbeed.

Hay’adda lacagta Adduunka ee IMF ayaa dhowaan ku ammaantay Dowladda Soomaaliya sida ay uga gudubtay wajiga koowaad ee sharuudaha deyn cafinta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Shacabka ee BFS oo Ansixiyay Heshiiska Dhismaha Urur Goboleedka IGAD.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dalka Pakistan.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Ku-xigeenka Hantidhowrka Guud ee JFS oo ka warbixiyay kulanka isu-duwidda Hay’adaha Dowladda oo ka furmaya Muqdisho.

Ku-xigeenka Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mukhtaar...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shacabka ugu hambalyeeyay maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...