Howlgal lagu dilay ku dhawaad 20 ka tirsanaa Alshabaab oo laga fuliyay G/Jubbada dhexe

Date:

Bu’aale (SNTV):-Ciidamada kumaandooska Soomaaliya oo taageero ka helaya Ciidamo Mareykan ah ayaa Howlgal qorsheysan oo duqeyn ah ka fuliyay Magaalada Bu’aale ee Gobolka Jubbada Dhaxe.

Taliyaha qeybta 43Aad ee Ciidanka Xoogga Dalka General Cali Maxamed Maxamuud (Bogmadow) oo la hadlay Idaacada Ciidamada ayaa sheegay in habeenimadii 17-dii Bishan ay ciidamada Danab iyo kuwo Mareykan ah weerar duqeyn iyo mid dagaal ka fuliyeen gudaha Magaalada Bu’aale ee Jubbada dhaxe

General Bogmadow ayaa waxa uu sheegay in weerarka uu si gaar ah ugu dhacay xarunta Idaacada Andaluus oo ku hadasha Afka kooxda Al-shabaab,isagoo sheegay in halkaas lagu dilay 15 Xubnood oo ka tirsan Nabadiidka Al-shabaab iyo Afar wariyaasha Al-shabaab ah, islamarkaana Qalabkii Idaacadaas lagu bur buriyay weerarka duqeynta iyo dagaalka isugu jiray.

Ciidamada ammaanka ayaa howlgallo ka dhan ah argagixisada kawada Gobollada Dalka,iyagoo khaarajiyay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsanaa Kooxda Alshabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safaaradda Shiinaha oo hambalyo u dirtay Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari

Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya ayaa hambalyo diiran...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Boqor Burhaan Boqor Muuse

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweynaha JFS” Laascaanood waa magaalada Midnimada iyo Astaanta Soomaaliya”

Laascanood,Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Laascaanood oo maanta lagu qabanayo munaasabada caleemo saarka madaxda Waqooyi bari

Waxa maanta magaalada laascaanood ee xarunta dowlad gobolleedka Waqooyi...