Golaha wasiirrada Oo Meel Mariyay Sharciga Iibka Qaranka Oo Is-bedel Lagu Sameeyay

Date:

Muqdisho; Khamiis, Deseembar 20, 2018 —Kulanka Khamiislaha ah ee golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya oo maanta uu guddoomiyay ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa lagu meel mariyay wax ka bedel lagu sameeyay sharciga iibka qaranka.

Sharciga iibka qaranka oo ay diyaarisay wasaaradda maaliyadda Soomaaliya, ayaa dib-u-eegis lagu kadib waxaa lagu sameeyay horumarin wayn si hannaanka iibka qaranka loo casriyeeyo looguna saleeyo qorshaha iibka qaranka.

Wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya, Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa ansixinta sharciga kadib waxa uu golaha uga warbixiyay shirarkii uu uga qayb galay magaalooyinka Nairobi iyo Qaahira ee looga hadlayay cafinta daynta lagu leeyahay Soomaaliya, dakhi aruurinta, xakamaynta qarashaadka iyo shilinka Soomaaliya, waxa uuna sheegay in meel wanaagsan uu marayo geedo socodka dayn cafinta Soomaaliya.

Dhanka kale, wasiirka arrimaha gudaha, dib-u-heshiisiinta iyo federaalka, Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa golaha uga warbixiyay doorashadii shalay ka dhacday Baydhabo ee madaxwaynaha dawlad gobaleedka koonfur galbeed Soomaaliya loogu doortay Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Golaha wasiirrada ayaa u mahad celiyay bulshada Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed sida ay uga qayb gaateen taabba gelinta doorashada, waxa ayna sidoo kale hambalyeeyeen madaxwayne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo ay u rajeeyeen in uu ku guulaysto mas’uuliyadda horumarinta deegaannada Koonfur Galbeed iyo qaybta uga aaddan horumarka guud ee dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh...

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka...

Taliska Ciidanka Xoogga oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Isticmaalka Calaamadaha iyo Astaamaha Ciidanka XDS

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Digniin Adag Ka...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday 

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Shirka Iskaashiga...