Guddiga joogtada ee Golaha Aqalka sare oo baaq ka soo saaray Xaaladda ka taagan Baydhabo

Date:

Muqdisho (SNTV)- Guddiga Joogtada ee Golaha Aqalka sare oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa war ka soo saaray rabshadaha ka taagan magaalada Baydhabo iyo dirirta u dhaxeysa Qowmiyadda Soomaalida iyo Oromada ee ka taagan deegaanada ay wada degaan ama ay deriska ku wada yihiin sida TuulliGuleed, Dheekaa, Mooyaale, Shinniile, Faafan, Feeracad iyo tuulooyinka dhaca xuduudaha u dhaxeeya Deegaannada Soomaalida iyo Oromada.

Halkaan Hoose ka Akhriso Baaqa Guddiga Joogtada Aqalka sare:-

BAAQ

GUDDIGA JOOGTADA AH EE GOLAHA AQALKA SARE

Guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare wuxuu ku guddoonsaday kulankiisa 9aad Kalfadhiga 4aad ee maanta oo ay taariikhdu tahay 15 Dec. 2018.

ISAGA OO GUDANAYA waajibkiisa dastuuriga ah ee uu ku matelayo dawladaha xubnaha ka ah dawlada Federaalka ISAGA OO XOG OGAAL U AH xasilooni darada nabadgeloyo iyo mida siyaasadeed ee ka taagan magaalada Baydhabo ee dawlad goboleed Koonfur Galbeed;

▪ Waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelada iyo qoysaskii dadkii Soomaaliyeed ee ku geeriyooday ama waxyeelo ka soo gaaraty qalalaasha iyo rabshadihii ugu dambeeyey ee magaalada Baydhabo.

▪ Guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare isaga oo welwel xoogan ka qaba in xaalada amni iyo mida maamul ay faraha ka baxdo ayuu waxa uu ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada ku lugta leh xaalada ka taagan magaalada Baydhabo in ay joojiyaan colaada iyo qalalaasaha ayna si nabadgelyo iyo wadahadal ah ku soo afjaraan is maandhaafka taagan si loo soo celiyo nidaamka iyo kala dambeynta Magaalada Baydhabo.

▪ Guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare waxaa ugu baaqayaa dhamaan mas’uuliyiinta iyo shacabka dalwad goboleedka Koonfur Galbeed in ay si wadajir ah u dhowraan Dastuurka iyo Sharciyada kale ee dawlad Goboleedka si ay u suurtagasho qabsoomida doorasho xor iyo xalaal ah.

Guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare isla kulankiisa maanta oo ay taariikhdu tahay 15 Dec. 2018 wuxuu ku guddoonsaday:

ISAGA OO SI DHOW ULA SOCDAY dilalka iyo xasuuqa ka socday in muddo ah deegaanada ay wada degaan ama ay deriska ka wada yihiin Qowmiyadda Soomaalida iyo Oromada ee ay ka mid yihiin TuulliGuleed, Dheekaa, Mooyaale, Shinniile, Faafan, Feeracad iyo tuulooyinka dhaca xuduudaha u dhaxeeya Deegaannada Soomaalida iyo Oromada.

ISAGA OO XOOJINAYA nabadgelyada iyo wadanoolaanshaha Qowmiyadda Soomaalida iyo Oromada. ▪ Waxa ugu baaqayaa mas’uuliyiinta deegaanadaas in ay si degdeg ah u soo farageliyaan dagaaladaas si loo joojiyo colaadaha soo noqnoqday ee deeganada kor ku xusan kuwaas oo sababay dilal, dhaawacyo, barakac iyo burbur hantiyeed.

▪ Waxa uu Guddiga joogtada ah ee Goluhu ugu baaqayaa shacabka qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada in ay joojiyaan colaada ka dhex taagan kuna wada noolaadaan nabadgelyo iyo deriswanaag iyaga oo dhowraya mabaadiida iyo shuruucda caalamiga ah ee Xuquuqul Aadanaha.

=DHAMMAAD=

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjire Hodan oo Lagu Martiqaaday Xarunta shirkadda Alibaba

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Osman...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qaabilay Safiirka Shiinaha oo booqasho sharafeed ugu yimid

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka oo Shacabka uga jawaabay su’aalo ay waydiiyeen

Waxa xalay magaaladda Muqdisho lagu qabtay maddal si weyn...

Taliyaha Booliiska oo kormeeray goobo ay saameeyeen roobab ku da’ay Muqdisho

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...