Madaxweynaha Soomaaliya oo Casha shafar u sameeyay Xalay dhiggiisa Eretrea

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane, Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa Xalay Casha sharaf ugu sameeyay xarunta madaxtooda Qaranka, dhiggiisa Dalka Eretrea, Isaias Afwerki.

Casha sharafta oo ay kasoo qayb galeen, madax ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, xubno qayb ka ahaa wafdiga Madaxweyne Afwerki iyo marti sharaf kale, ayaa waxaa lagu soo bandhigay Ciyaaro Hiddo iyo dhaqan ah, Heeso , Suugaan ka tarjumaysa xiriirka Walaaltinimo ee Labada Dal iyo horumarka ka socda Dalalka Geeska Afrika.

Madaxweyne, Isaias Afwerki, oo shalayto ku yimid Dalka Soomaaliya booqasho Laba Cisho ah, ayaa inta uu jooga Muqdisho waxa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Madaxda Dalka ugu sarreysa, iyagoo ka wada hadli doona sidii loo dar-dar gelin lahaa xiriirka is-kaashi ee Waddamada Gobolka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay laba dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa degmada Afgooye ee Gobolka...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray dib u-dhis lagu sameeyay Dugsiga Waxaracadde

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya

Maanta oo ah 12-ka Oktoobar waxay ku beeggan tahay...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kulan la qaatay madax iyo siyaasiin heer qaran ah

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...