Masuuliyiin ka tirsan Dawladda oo Garoonka Muqdisho kusoo dhaweeyey Maxaabiis laga soo daayey dalka Uganda

Date:

Muqdisho (SNTV):- Lix Muwaadiniin Soomaali ah oo tan iyo 2014-kii  ku xirnaa Dalka Uganda ayaa maanta dalka ku soo laabtay, ka dib markii Dowladda Soomaaliya ka shaqeysay sii deyntooda.

Muwaadiniintan waxaa garoonka Aadan Cadde ku soo dhoweeyay xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir, Wasiir ku xigeenka Macdanta iyo Batroolka  Maxamuud Cabdulqaadir Hilaal, Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale.

Dawladda Soomaaliya ayaa ku Guuleysatay in boqolaal dhalinyaro ah ay ka soo deyso Dalalka Itoobiya, Indiya, Siishelis iyo Liibiya, waxaana ay sheegtay in ka shaqeyneyso siddii ay dalka ugu soo celin lahaayeen dhalinyaradda kale ee wali ku xiran dalka dibadiisa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo ka qeybgalay Shirka Caalamiga ah ee Dambiyaynta Gumaysiga Afrika

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Maxamed...

Howlgal ka dhan ah khawaarijta oo ka dhacay Shebeellaha Dhexe

Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Gorgor ayaa howlgal...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Degmada Hodan ka Daahfuray Qaybinta Kaarar-ka Codbixiyeyaasha

Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta degmada Hodan...