Wasiiro ka tirsan XFS oo ka qeyb galay munaasabad lagu soo afjarayay tartan isboorti oo loo qabtay ardeyda jaamacadda Ummadda

Date:

Muqdisho (SNTV)-Wasiirka Wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta sare  ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre iyo wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diriye  ayaa ka qeyb galay  munaasabad lagu soo gabogabeynayay tartan isboorti oo loo qabtay ardeyda jaamacadda ummadda.

Tartanka horyaalka ardayda jaamacada ummadda oo ahaa mid lagu maamuusaya alle ha u naxariistee Parafasoorkii ugu horeyay jaamacadda ummda shariif saalax.

Tartankan ayaa waxaa ku guuleystay ardeyda dhigata kuliyadda waxbarashada halka kaalinta labaad ay galeen ardeyda dhigata qeybta sharciga.

Sagaal kuliyadood oo ka mid ah jaamacadda Ummadda ayaa ka qeyb galay tartankan.

Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa bogaadiyay tartanka lagu maamusayay allaha unaxariiste Prof Shariif Saalax.

“Haddan nahay wasaaradda waxbarashada sharaf weyn ayay noo tahay,waxaan umahad celinaya wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha oo dadaal ugu jirta soo nooleyta isboortiga islamarkana guul badan ka gaartay mudadii ayjoogtay wasaaraddan”ayuu yiri wasiirka waxbarashada Mudane Cabdulahi Goodax Barre.

Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha  Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diriye ayaa  guul ku tilmaamtay tartanka islamarkana qiimo weyn ugu fadhiyo bahda waxbarashada oo ugu horeeyo wasiirka waxbarashada Mudane Cabdulahi Goodax Barre.

“Tartanka horyaalka ardayda jamacada ummadda waxa uu ahaa mid laga maamusay parafasoorkii  ugu horeyay jaamacadda Shariif Saalax alle ha u naxariistee dhamaan bahda waxbarashada oo uu ugu horeyo wasiirka wasaaradda waxbarashada waxa ay u tahay guul iyo horumar guud ahaan isboortiga dhalinyarada Soomaaliyeed gaar ahaana bahda waxbarashada oo aan kawasaaradda ahaan aan isku nahay dad ay kadhaxeyso wada shaqeyn joogto ah  mar waliba sidaan oo kale ayaan u sii wadda shaqeyn doonaa”ayay tiri wasiirka dhalinyaradda Khadiijo Maxamed Diriye.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

DF oo shacabka Soomaaliyeed ku wargelisay inuu dalka galayo marxalad Doorasho loo dhan yahay

Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiistinta ee (DFS) waxay...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, oo Kulan La Qaatay Odayaasha Dhaqanka ee Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda Cagta ayaa maanta...

Danjire Cabdikarin Axmed oo warqadihii aqoonsiga u gudbiyay Madaxda Finland

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden Cabdikarin Axmed Maxamed...