Shaqaallaha Guddiga la-socodka iyo dib u eegista Dastuurka ee BFS oo Tababar loo furay

Date:

Muqdisho (SNTV)- Shaqaallaha guddiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka ee BFS ayaa tababar maanta uga furmay  xarunta guddiga ee magaaladda Muqdisho.

Tababarkaan ayaa waxa uu socon doonaa Muddo labo maalin ah, waxaana Shaqaallaha lagu bari doonaa Qaabka guddiga uu u shaqeeyo iyo Qorshaha guddiga horyaalla ee u baahan in si dardar ah loo qabto.

Guddoomiyaha guddiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka ee BFS Sen. Abdi Xasan Cawaale Qeyb-diid ayaa furay tababbarkaan, waxaana shaqaallaha uu kula dardaarmay inay ka faa’iideystaan tababarkaan.

Sen. Qeyb-diid ayaa xusay in guddiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka ee BFS laga sugayo howlo culus, isaggoo tilmaamay in loo baahan yahay in si xowli ah howlahaasi loo qabto.

i8i

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Muqdisho ku qabatay xuska Maalinta Shaqaalaha Adduunka

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Waxbarashada oo faray dadka deggen dhulka Jaamacadda Ummadda in ay si degdeg ah uga guuraan

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda...

Safiirka JFS ee Sacuudiga oo kormeer ku tagay Xafiiska Arrimaha Xajka ee magaalada Madiina

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Boqortooyada Sacuudiga,...

Soomaaliya oo tallaabo u qaaday Nidaamka Xisaab-xirka iyo lacag-bixinta gaadiidka cirka

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...