Maleeshiyada Al shabaab oo laga saaray Deegaanka Dhagaxyaale ee Gobolka Galgaduud

Date:

Muqdisho (SNTV) Argagaxisada Alshabaab ayaa laga saaray Deegaanka Dhagaxyaale ee Gobolka Galgaduud ka dib Weerar Qorshaysan oo ay ku qaadeen Ciidamada Dowlad Gobaleedka Galmudug waxaana Halkaasi looga dilay Afar Maleeshiyo halka Dhaawacyo fara badan ay geeyeen Degmada Ceel-buur sida ay inoo xaqiijiyeen Dad Halkaasi ku sugan oo ka gaabsaday in Magacyadooda la xigto.

Maxamed Sheekh Maxamuud oo ka tirsan Maamulka Degmada Ceel-buur oo qeyb ka ah Howlgadan ayaa waxa uu Warbaahinta Qaranka u sheegay in Khasaare xoog leh la gaarsiiyey Nabadiidka Alshabaab, isagoona xaqiijiyay in hada Deegaanka Dhagaxyaale ee Gobolka Galgaduud ay Gacanta ku hayaan.

Dhinaca kale waxa uu xusay inay sii wadi doonaan Dagaalada ay kula jiraan Maleeshiyaadka Alshabaab isagoona Shacabka ugu baaqay gacan siiyaan Ciidamada Amaanka.

Maleeshiyaadka Alshabaab ayaa Ciidamada Amniga ee Dowlada Soomaaliya, kuwa Dowlad Gobaleedyada iyo AMISOM oo is garabsanaya kala kulmay Howlgallo looga burburiyay Saldhigyo ay kasoo abaabuli jireen dhibtaateynta Shacabka, iyadoona laga saaray deegaano Muhiim ah, waxaana laga khaarijiyay Horjoogayaal badan, halka kuwa baxsadka ahna ay ku daba joogaan Ciidamada Amniga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...