Maleeshiyada Al shabaab oo laga saaray Deegaanka Dhagaxyaale ee Gobolka Galgaduud

Date:

Muqdisho (SNTV) Argagaxisada Alshabaab ayaa laga saaray Deegaanka Dhagaxyaale ee Gobolka Galgaduud ka dib Weerar Qorshaysan oo ay ku qaadeen Ciidamada Dowlad Gobaleedka Galmudug waxaana Halkaasi looga dilay Afar Maleeshiyo halka Dhaawacyo fara badan ay geeyeen Degmada Ceel-buur sida ay inoo xaqiijiyeen Dad Halkaasi ku sugan oo ka gaabsaday in Magacyadooda la xigto.

Maxamed Sheekh Maxamuud oo ka tirsan Maamulka Degmada Ceel-buur oo qeyb ka ah Howlgadan ayaa waxa uu Warbaahinta Qaranka u sheegay in Khasaare xoog leh la gaarsiiyey Nabadiidka Alshabaab, isagoona xaqiijiyay in hada Deegaanka Dhagaxyaale ee Gobolka Galgaduud ay Gacanta ku hayaan.

Dhinaca kale waxa uu xusay inay sii wadi doonaan Dagaalada ay kula jiraan Maleeshiyaadka Alshabaab isagoona Shacabka ugu baaqay gacan siiyaan Ciidamada Amaanka.

Maleeshiyaadka Alshabaab ayaa Ciidamada Amniga ee Dowlada Soomaaliya, kuwa Dowlad Gobaleedyada iyo AMISOM oo is garabsanaya kala kulmay Howlgallo looga burburiyay Saldhigyo ay kasoo abaabuli jireen dhibtaateynta Shacabka, iyadoona laga saaray deegaano Muhiim ah, waxaana laga khaarijiyay Horjoogayaal badan, halka kuwa baxsadka ahna ay ku daba joogaan Ciidamada Amniga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo si buuxda ula wareegtay maareynta ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka kadib 32 Sano

Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyey...

DFS oo beenisay wararka ku saabsan heshiis qarsoodi ah oo ay la gashay Dowladda Sweden

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda u beenineysaa warbixinnada...

Shirweynaha Urur-goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo galay maalintiisii labaad

Shirweynaha Urur-goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) oo sanadkan...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kalfadhiga 76-aad ee UNHCR

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...