Wasiiro ka tirsan XFS oo ka qeyb galay munaasabad lagu soo afjarayay tartan isboorti oo loo qabtay ardeyda jaamacadda Ummadda

Date:

Muqdisho (SNTV)-Wasiirka Wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta sareย  ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre iyo wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diriyeย  ayaa ka qeyb galayย  munaasabad lagu soo gabogabeynayay tartan isboorti oo loo qabtay ardeyda jaamacadda ummadda.

Tartanka horyaalka ardayda jaamacada ummadda oo ahaa mid lagu maamuusaya alle ha u naxariistee Parafasoorkii ugu horeyay jaamacadda ummda shariif saalax.

Tartankan ayaa waxaa ku guuleystay ardeyda dhigata kuliyadda waxbarashada halka kaalinta labaad ay galeen ardeyda dhigata qeybta sharciga.

Sagaal kuliyadood oo ka mid ah jaamacadda Ummadda ayaa ka qeyb galay tartankan.

Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa bogaadiyay tartanka lagu maamusayay allaha unaxariiste Prof Shariif Saalax.

โ€œHaddan nahay wasaaradda waxbarashada sharaf weyn ayay noo tahay,waxaan umahad celinaya wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha oo dadaal ugu jirta soo nooleyta isboortiga islamarkana guul badan ka gaartay mudadii ayjoogtay wasaaraddanโ€ayuu yiri wasiirka waxbarashada Mudane Cabdulahi Goodax Barre.

Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaarahaย  Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diriye ayaaย  guul ku tilmaamtay tartanka islamarkana qiimo weyn ugu fadhiyo bahda waxbarashada oo ugu horeeyo wasiirka waxbarashada Mudane Cabdulahi Goodax Barre.

โ€œTartanka horyaalka ardayda jamacada ummadda waxa uu ahaa mid laga maamusay parafasoorkiiย  ugu horeyay jaamacadda Shariif Saalax alle ha u naxariistee dhamaan bahda waxbarashada oo uu ugu horeyo wasiirka wasaaradda waxbarashada waxa ay u tahay guul iyo horumar guud ahaan isboortiga dhalinyarada Soomaaliyeed gaar ahaana bahda waxbarashada oo aan kawasaaradda ahaan aan isku nahay dad ay kadhaxeyso wada shaqeyn joogto ahย  mar waliba sidaan oo kale ayaan u sii wadda shaqeyn doonaaโ€ayay tiri wasiirka dhalinyaradda Khadiijo Maxamed Diriye.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...