Madaxweyne Farmaajo oo gaaray magaalada Rome ee dalka Talyaaniga

Date:

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Rome ee dalka Talyaaniga, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan dawladda Talyaaniga.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa marka uu gaaray magaalada Roma ka mahad celiyay sida loo soo dhaweeyay wuxuuna sheegay in Booqasho Labo Maalin ah uu ku joogayo Dalkaasi.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Dalka ayaa sidoo kale sheegay in Madaxda dalkaasi uu la kulmi doono inta halkaasi uu joogo,iyagoo kawada hadli doono sidii loo sii xoojin lahaa Iskaashiga Labada Dowladood oo xiriir soo jireen ah uu u dhaxeeyo.

Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdigiisa oo ay qeyb ka yihiin mas’uuliyiin ka tirsan Golayaasha dawladda ayaa sidoo kale la kulmi doona Jaaliyadda Soomaalida ee Dalka Talyaaniga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...