Duqayn lagu laayay Horjoogayaal Shabaabka tirsan oo ka dhacday Gobalka Hiiraan

Date:

Wararka ka imaanaya Gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in Duqayn ka dhacday deegaanka CeelDheer oo 50 KM kaga beegan dhinaca koofur galbeed magaalada Baladweyne lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Argagixisada AlShabaab.

 

Dadka deegaanka qaar ka mid ah oo la hadlay warbaahinta qaranka  ayaa sheegay in duqaynta xalay fiidkii hore lala beegsaday xarun maleeshiyaadku ay ku leeyihiin deegaanka Ceel-Dheer.

Dhanka kale wararka ka imanaya  Gobalka Hiiraan ayaa sheegay qaar ka mid ah horjoogayaasha Al Shabaab ay kulan ku lahaayeen deegaano hoostag  Ceeldheer, wararka qaar ayaana sheegaya in duqayntaan lagu laayay horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan oo tabacsan Al shabaab.

Deegaanka CeelDheer ayaa ah halka Al-Shabaab ay gaystaan xoolaha ay ka dhacaan dadka shacabka ah ee ku nool gobalka Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...