Wasaaradda Waxbarashada XFS oo si rasmi ah u daah furtay Wajiga labaad ee mashruuca Waxbarashada Dalka

Date:

Muqdisho (SNTV):- Wasiirka waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee dalka  Cabdulahi Goodax Barre ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daah furay mashruuca waxbarashada dalka kaasoo ay ku bixi doono  lacag dhan 33. 1 Milyan.

Wasiirka qorsheynta xukuumadda federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xassan, wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Feysal Cumar Guuleed, agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Xassan Maxamed Cali, xoghayaha guud ee wasaaradda waxbarashada Axmed Yuusuf Xassan , xubno ka tirsan wasaaradda waxbarashada, iyo madax ka socota USAID, UNICEF iyo midowga Yurub ayaa ka qeyb galay kulanka.

Mashruucan ayaa socon doono muddo saddex sano ah oo ka bilaabaneysa sannadkan 2018-ka ilaa 2020-ka, waxaana maal gelinaya mashruuca Global Partnership for Education oo loo soo gaabsho (GPE) waxaana xiriirin doono midowga yurub.

Mashruucan oo ay ku baxeyso lacag dhan 33.1 milyan ayaa loogu talo galay in wax looga  qabto waxbarashada caruurta Soomaaliyeed sadexda sano ee soo socota. $5.6 milyan ka mid ah lacagta waxaa la siiyey Puntland, $9.6 milyan Soomaaliland halka $17.9 milyan kalana la siiyey Soomaaliya inteeda kale si wax looga qabto baahiyaha waxbarasho ee ka jira.

Wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa wasaaradaha waxbarashada dowlad goboleedyada ayaa fulin doonta  barnaamijkan.

Barnaamijkan ayaa  xooga saari doonaa kor uqaadida tirada iyo tayada ka qaybgalka waxbarahada caruurta Soomaaliyeed, iyada oo uu barnaamijku ka shaqayn doono tayaynta macalinka, tayaynta dugsiyada dawlada/bulshada, xoojinta kormeerka, manhajka qaranka iyo xoojinta awooda maamul iyo fulineed ee dhanka waxbarashada ee dawlada gaar ahaan dawlad goboleedyada.

Wasiirka qorsheynta iyo dhiiri gelinta maalgashiga Mudane Jamaal Xasan ayaa  sheegay in dawlada ahmiyada labaad ay siisay  waxbarashada marka laga reebo  amniga maadaama waxbarashadu door muhiim ah ku leedahay ladagaalanka jahliga iyo amni xumada.

Rina Dhala oo ka socotay hey’ada USAID  ayaa tilmaamtay in waxbarashada  ay  lagama maarmaan utahay  yaraynta saboolnimada, dhisida bulsho nabadeed iyo kor u qaadista isku duubnida bulshada sidaa darteed ay mudan tahay in la taageero waxbarasada caruurta Soomaaliyeed.

Wasiirka waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya  Mudane Cabdulahi Goodax Barre  ayaa sheegay in barnaamijkan uu gacan ka geysan doono abuurida jawi lagu gaarsiiyo waxbarasho tayo leh caruurta Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale