Shabaab oo billaabay dhaqankii ugu xumaa oo ay Shacabka ku Boobayaan

Date:

Muqdisho (SNTV)- Maleeshiyaadka Argagixisada ah ee Al-Shabaab waxaa markasta caado u ah inay boobaan shacabka Hantidooda iyagoo ku ganbanaya magaca Diinta Islaamka.

Wararka hada laga helayo Gobalka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in maleeshiyada Al-Shabaab ay haatan la yimaadeen dhaqankii ugu xumahaa oo ay ku boobayaan dadka danta yar ee shacabka ah.

Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in Al-Shabaab ay ku amreen in Qabiil Qabiil ay dadku isku qaybiyaan ka dibna ay keenaan Hanti waxa ay heestaan.

“Qabiil kasta waxaa la balaminayaa maalin gaar ah, waxaana laga rabaa Xoolo hadii ay heestaan ama Beeralay hadii ay yihiin dalagyadii u soo baxay inay keenaan oo siiyaan Al-Shabaab” ayuu yiri qof ka mid ah dadka deegaanka.

Culeyska ugu daran ayaa haatan wuxuu saaranyahay, Ganacsatada Beeralayda iyo Xoola Dhaqatada ku nool qaar ka mid ah deegaanada Gobalka Jubbada Dhexe.

Dhaqanka lagu yaqaano Al-Shabaab ee isugu jira laynta Muslimiinta, Boobka, Handadaada iyo Xarigga dadka shacabka ah ayaa ah kuwo dhammaantood ka fog dhaqanka suuban ee Islaamka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo wadahadal la yeeshay Safiirka Turkiye ee Soomaaliya

Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka...

Wafdi Gaanacsato Shiine ah oo soo gaaray Muqdisho(SAWIRO)

Wafdi ganacsi oo Shiinaha ka socda ayaa maanta soo...

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo soo dhaweysay Ku-xigeenka Danjiraha Safaaradda Mareykanka ee dalka Soomaaliya

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil...

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...