Wasiir ku-xigeenka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha oo Shir uga qeyb galay Jabuuti

Date:

(SNTV)..Wadanka Jabuuti ayaa lagu soo gabagabeeyey shir looga hadlayo sidii wadamada Afrika uga faa’iidaysan lahaayeen Tamarta dabiiciga ah sida dabeysha iyo cadceeda, waxaa Soomaaliya uga qeyb galay Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Cismaan Libaax Ibraahiim.

Mudane Cismaan Libaax Ibraahiim oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa ka warbixiyay shirkan iyo Muhiimadda uu Soomaaliya ulahaa.

“Shirkan wuxuu ahaa mid aad muhiim u ah, waxaad moodaa shirka inuu anaga naga hadlaayay sababtoo ah waxaan hodan ku nahay Dabeysha iyo Cadceeda, waxyaabo fiican ayaana kasoo baxay, Dalkeena Tamar ayuu u baahan yahay hadii aanan la helin shaqo la’aanta lagama baxaayo Horumar balaaran la sameynaayo”.ayuu yiri Wasiirka.

Adeegga Korontada oo ah wali mid qaali ah kuna tiirsan Shidaalka ayaa caqabad ku noqon kara warshadaynta oo u baahan xoog koronto oo badan, waxaana dawladda Soomaaliya ay hadda ka shaqaynaysaa sidii loo samayn lahaa Koronto la awoodi karo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Buulo-burde oo u gudubtay wareegga afar dhamaadka ee Tartan cilmiyeedka Ramadaan

Degmada Buulo-Burde oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa u...

Wasaaradda Batroolka XFS iyo West Virginia oo Iska kaashanaya Sahminta iyo Soo Saarista Macdanta Muhiimka ah

Wasaaradda Batrolka iyo kheyraadka Macdanta XFS iyo Gobolka West...

Wasiirka Qoyska XFS oo Geneva ku guddoomisay kulan la xiriiray Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud has returned to the...