Howlo Nadiifin iyo Laami Dhaqis ah oo ka bilowday Muqdisho

Date:

Muqdisho  (SNTV) Shirkadda Nadaafadda Gobalka Banaadir ee ECCO ayaa xalay Magaalada Muqdisho ka fulisay Barnaamij cusub oo Nadiifin ah kaasoo lagu soo saarayo Quruxda Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Gaadiid loogu tala galay inay xaaqaan ka dibna ay dhaqaan ayaa loo adeegsaday nadiifinta Wadada xiriirisa Sayidka iyo Dabka oo ka mid ah Waddooyinka loogu isticmaalka badan yahay Magaalada Muqdisho.

Agaasimaha Shirkadda Nadaafadda Gobalka Banaadir ee ECCO Cabdi Xakiin Yuusuf Xasan ayaa Warbaahinta Qaranka uga warbixiyay Barnaamijkan

“Caawa waxaan bilownay Barnaamij cusub oo aan hore looga baran Magaalada oo ah in Waddooyinkii dib loo nadiifiyo iyadoo qashinka laga qaadayo ka dibna la meyrayo wadada si quruxdeeda loo soo saaro”.

Sidoo kale Agaasimaha ayaa ugu baaqay dadka degan agagaarka waddooyinka iyo kuwa ku ganacsada inay si toos ah shaqadaasi kala qeyb qaataan oo aan Waddooyinka Qashinka lasoo dhigin.

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa dhawaan sheegay in Nadaafaddu Caasimaddu ay Maamulka Gobalka Banaadir u leedahay mudnaan sare, waxaana shacabka Caasimadda uu ugu baaqay in wadajir looga qeyb qaato madaafadda, si Caasimaddu dib ugu soo ceshato bilicdii ay caanka ku ahayd barisamaadkii.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...