Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Akhrintii koowaad marsiiyay Hindisaha wax ka bedelka sharciga Hanti-Dhowraha

Date:

Muqdisho (SNTV) Ajendaha kulanka guud ee golaha shacabka ee maanta waxa uu ahaa Akhrinta labaad ee wax ka bedelka Hindise Sharciyeedka Hanti dhowraha oo uu golaha horkeenay guDdiga Maaliyada iyo Miisaaniyada ee golaha shacabka ,waxaana qaar ka mid ah Xildhibaanada golaha shacabka ay aragtiyadooda ka dhiibteen hindise sharciyeedkan,sidoo kale Xildhibaanada qaarkood ayaa gudiga su’aalo ku aadan hindise sharciyeedkan wax ka weydiiyay.

Kulanka oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa gudiga Maaliyada ee golaha Shacabka ,waxa uu ka hadlay Hindise sharciyeedkan iyo muhiimada uu leeyahay,waxaana uu sheegay in hindise sharciyeedkan uu dalka muhiim u yahay islamarkaana ka gudi ahaan ay tix gelinayaan talooyinka Xildhibaanada.

Mudane Mahad Cabdalla Cawad guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha Shacabka oo kulanka soo xiray ayaa  faray gudiga maaliyada ee golaha shacabka in ay soo diyaayiraan Akhrinta sedaxaad ee hindise sharciyeedkan iyagoo kusoo daraaya talooyinka xildhibaanada ee akhrinta labaad.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu

1- President Hassan Sheikh Mohamud has hailed the historic...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay kuna...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo guddoomiyay shirka 6aad ee wasiirrada A3 ah

Iyadoo ay socoto qabsoomidda Shir-Madaxeedka 39-aad ee Midowga Afrika,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO ADDIS-ABABA KAGA QEYB-GALAYA SHIRKA MADAXDA AFRIKA

Addis ababa, Febaraayo,13, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...