Wasiirka Amniga XFS oo Muqdisho ka furay shir looga hadlayo dardar gelinta howlaha shaqo ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda

Date:

Muqdisho (SNTV);- Wasiirka amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow “Ducaale” ayaa maanta magaalada Muqdisho ku daahfuray shirka saddex bilood laha ee Hay”adda socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya,kaasi oo looga hadlayo dardar gelinta howlaha shaqo ee Hay”adda,waxaana sidoo kale mudada uu socdo lagu soo bandhigayaa caqabadaha iyo horumarinta adeegyada ay u baahan yihiin shacabka Soomaaliyeed.

Shirkan oo ah kii 7-aad ee Hay”adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa soconaya mudo labo maalin ah waxaana inta uu socdo diirada lagu saarayaa tayeynta iyo sare u qaadista shaqada adag ee hortaalo Hay”adda.

Shirka ayaa waxaa goobjoog ahaa agaasimaha Guud ee Hay”adda socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Gaashanle Sare Cornel Maxamed Adam Jimcaale Koofi,Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow “Ducaale”,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan (Injineer Yariisow),Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Ahmed Cali Daahir iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Agaasimaha Guud ee Hay”adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mr. koofi oo ka hadlay shirkan oo ah kii 7-aad oo Hay’adda ay u qabato Mas’uuliyiinta Laamaha ee Gobolada dalka ayaa sheegay in howlo muhiim ah ay qabteen saddexdii bil ee la soo dhaafay,isagoona xusay in Hay”adda ay qeyb weyn ka qaadatay horumarinta dakhliga dalka oo ay uruurisay dhaqaalo fara badan.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir C/raxmaan Cumar Cisman (Injneer Yariisow) ayaa shegaay in Maamulka Gobalka Banaadir ay ka Go”an tahay Xoojinta Wadashaqeynta adag ee Ka dhaxeyso Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda dalka.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir Ayaa shegaay in loo bahan yahay dhowrista sharciga dalka u yaalo si loo ilaaliyo Qaranidimada Umadda Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar isloow “Ducaale” oo ka hadlay shirka ayaa kula dardaarmay Shaqalahaa iyo Mas’uuliyiinta Hay”adda Socdaalka iney ka dheeradan wax walibo oo musuq-maasuq ah oo caqabad ku keeneyso shaqada Qaranka loo haayo,isagoona Hay”adaha amniga faray iney Hay’adda socdaalka kala shaqeeyaan xoojinta iyo wax ka qabashada caqabadaha ay soo gudbiyeen.

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyada Soomaaliya ayaa waxaa horyaalo qorshayaal ay ka mid yahiin dhammestirka dib u howlgalinta bar Koontoroolada Xuduudaha Dalka, dar dargalinta dhismaha Xarunta dhaxe ee Hay”adda, dhammestirka dib uu eegista sharciyada  Socdaalka ,Baasaboorka iyo Sameynta Sharciga dhismaha Hayadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...