Baroor diiq Muqdisho loogu sameeyay dadkii lagu xasuuqay Zope.SAWIRRO

Date:

boqolaal dadweyne ah,ehelada dadkii ku shahiiday goobta iyo madax katirsan dowladda oo uu hor kacayay raiisulwasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta isgoyska Zope uga qeybgalay munaasabadda baroor diiqda loo sameynayay xusuusta dadkii ku shahiiday qarixii 14 OCTOBER 2017 ka dhacay  halkaasi.

Weerarkaasi bahalnimo oo ah qarixii ugu weynaa ee 1 mar ka dhaca Muqdisho ayaa waxaa ku geeriyooday in badan 500 oo ruux kuwaasoo isugu jiray qeybaha bushada waxaana goobta buux dhaafiyay ehelada shuhadada,dhalinyaro culimo iyo dadweyne isaga kala yimid degmooyinka magaalada Muqdisho kuwaasoo madaxa kusoo duubtay maryo cadcad.

Sheekh Cali Sheekh Maxamuud Cali Dheere oo goobta ka hadlay ayaa u duceeyay dadkii ku geeriyooday halkaasi isagoo uga mahad celiyay dowladda federaalka ah iyo shacabkaba sida ay isaga kaashadeen musiibadaasi iyo u gargaaridda dadka waxyeeloobay.

Sheekh Yuusuf Cali Caynte ayaa khudbad uu jeediyay ku tilmaamay inaaney jirin Khiil diimeed oo ay kooxahaasi u cuskan karaan falalka noocan ah oo kasoo horjeeda diinteena suuban.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Yariisow ayaa goobta ka sheegay in gobolku abaabul weyn ka sameeyay la tacaalidda dadkii waxyeeloobay islamarkaana ay ku faraxsanyihiin sida bulshada Muqdisho uga qeybgaleen gurmadkii socday.

Raisulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ugu dambeyn goobta ka hadlay ayaa tacsi u diray ehelada dadkii geeriyooday waxa uuna u sheegay Al shabaab in waqtigoodii dhamaaday,sidoo kale Kheyre ayaa sheegay in wasaaradda waxbarashadu ku dadaali doonto sidii ay waxbarasho u heli lahaayeen caruurta ay dhaleen waalidiintii halkaasi ku shahiiday.

Culimo owdiinka goobta ku sugnaa iyo ka qeyb galayaasha ayaa si guud ugu duceeyay dadkii ku dhintay qarixii Zope,iyagoo alle uga baryay argagaxisada inuu xaqqa garansiiyo islamarkaana dhibta ka dulqaado dadka Soomaaliyeed.

 

 

Bashiir Gaani.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Tababar u furay Howl-wadeennada Warbaahinta Qaranka uga soo warama Gobollada Dalka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi...