Guddiga joogtada ah ee Golaha Aqalka sare oo shaaciyay xilliga uu furmayo kalafadhiga 4-aad ee Golaha

Date:

Muqdisho October 8 (SNTV):-Guddiga joogtada ah ee Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka dalka  ayaa maanta kullan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxay kaga hadleen ka tashiga furitaanka kalafadhiga 4-aad ee Golaha Aqalka sare iyo waliba xogwareysi halka uu marayo dadaaladii ay wadeen Aqalka sare ee lagu xalinayay khilaafka Dowladda Federaalka iyo Maamul Gobolleedyada dalka.

Kullanka ayaa waxaa shirguddoominayay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi,waxayna inta badan Senatarada aragtiyo ka dhiibteen furitaanka kalafadhiga 4-aad ee Golaha Aqala sare.

Senator C/kaafi Macallim Xasan oo ah Habdhowraha Golaha Aqala sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in la isku afgartay in ugu danbeyn la furo kalafadhiga 4-aad ee Golaha Aqalka sare 15-ka bishan Octoober.

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe ku mashquulsanaa dhammeynta is-afgaran waagii ka dhex jiray Dowladda Federaalka iyo Maamulk Gobolleredyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...