Guddiga Garsoorka iyo Cadaaladda ee Golaha Shacabka oo la kulmay Wasiirka Wasaaradda Cadaalada

Date:

Muqdisho (SNTV)- Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Golaha Shacabka ayaa maanta xarunta Guddoomiyaha iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa kulan kula qaatay Wasiirka Wasaarada Cadaaladda iyo Arrimaha garsoorka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa looga hadlay siddii Guddiga iyo Wasaaradda ay wada shaqeyn joogta ah u yeelan lahaayeen, taasi oo ah is xog wareysi ku saabsan tayeynta Cadaaladda iyo garsoorka Dalka.

Guddiga ayaa wasiirka wax ka weydiiyay howsha Wasaaradda iyo qorshayaasha hadda horyaala kuwa dhow iyo kuwa fog.

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa guddiga uga mahadceliyay wada shaqeynta wasaaradda kala dhaxeysa, sidoo kalena Guddiga ayaa wasaaradda u ballan qaaday in wada shaqeyntooda ay joogto noqon doonto, si kor loogu qaado tayeynta Cadaaladda garsoorka Dalka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Masuuliyiin ka tirsan Dowladda oo kulan la qaatay beeraleyda Gobolka Shabeellaha Hoose

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS, Xildhibaan Maxamed Cabdi...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO BOOQASHO SHAQO KU TAGAY XARUNTA WASAARADDA WARFAAFINTA

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Kulan looga hadlayay xoojinta wacyigelinta adeegyada Aqoonsiga Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho

Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa magaalada Muqdisho...