Senator Axmed Nadiir” Guul ayaan kala soo noqonay safarkeenii Koonfur Galbeed,

Date:

Muqdisho September 22 (SNTV);- Wafdigii ka socday Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee loo diray Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed si ay u baadi goobaan xal waara iyo isfaham ka dhex dhasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada iyo sidoo kale madaxda Dowlad Goboleedyada dhexdooda ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ka dib kullamo ay magaaladda Baydhabo kula soo yeesheen Mas’uuliyiinta Maamulka iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada Koonfur Galbeed.

Senator Axmed Macallim Cumar “Axmed Nadiir” oo ka mid ah Xubnaha Aqalka sare ee loo diray Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed maantana dibna ugu soo laabtay Muqdisho ayaa SONNA u sheegay in Golaha Aqalka sare dowr muhiim ah ka qaadanayo isku dhoweeynta Dowladda Federaalka iyo Maamulka Koonfur Galbeed oo khilaaf siyaasadeed ka dhex jiro.

“Runtii kullamadii Baydhabo ee aan la soo yeelanay Mas’uuliyiinta Maamulka Koonfur Galbeed,Ururada Bulshada rayidka sida Haweenka iyo Odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed waxaana kala soo noqonay wada shaqeyn iyo tallooyin wax ku ool ah oo aan ka helnay dadkii aan la kulanay,waxayna ahaayeen dad u baahan wada shaqeynta iyo Dowladnimada,” ayuu yiri Senator Axmed Nadiir.

Wuxuu sheegay Guddoomiyaha Guddiga arrimaha Bulshadda,Warfaafinta iyo dhaqanka Golaha Aqalka sare Senator Axmed Macallim Cumar “Axmed Nadiir” in ujeedka magaalada Baydhabo u tageen ay ahayd sidii ay ku heli lahaayeen xog dhammeystiran oo ku aadan khilaafka jira iyo wadada ugu sahlan ee lagu dhammeyn karo,isagoona carabta ku adkeeyay in nasiib wanaag ay xogtii soo heleen guulna kala soo laabteen safarkoodii Baydhabo.

Ugu danbeyntii,Senator Axmed Nadiir ayaa uga mahad celiyay Mas’uuliyiinta iyo Shacabka Koonfur Galbeed soo dhoweynta diiran ay magaalada Baydhabo ugu sameeyeen,waxaana ka hor inta aysan wafdiga ka soo ambabixin magaalada Baydhabo kullan sagootin u soo sameeyay Mas’uuliyiinta ugu sareysa Maamulka Koonfur Galbeed.

Aqalka Sare oo gudanaya wajibkiisa dastuuriga ayaa u istaagay sidii loo heli lahaa isfaham iyo wada shaqeyn dhab ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo safar shaqo ku jooga Nairobi ayaa la kulmay madaxda Bangiga Aduunka

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta...

Xamarweyne,Boondheere iyo Shibis oo saakay looga dareeray diiwaangelinta codbixiyaasha

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka gaar ahaan Degmooyinka Xamarweyne,...

Safiirka Soomaaliya ee dalka shiinaha oo Ka Qayb gashay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Luqadda Shiinaha

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Osman...

Ciidanka Daraawiishta Puntland oo fashiliyey weerar khawaarijta Daacish ku soo qaadeen fariisimo Ciidanka ku lahaayeen buuraha G/Bari

Ciidanka Daraawiishta dowlad gobolleedka Puntland ayaa aroornimadii hore ee...