Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo kormeer kutagtay ispitaalka keysaney halkaasoo ay kujiraan dumar isku furmay

Date:

Muqdisho September 20 (SNTV):-Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, Marwo, Fowziya Abiikar Nuur , ayaa sheegtay inay Wasaaraddu ka go’an tahay inay Gacanta ku qabato dhammaan Isbitaalladii uu Dalku lahaa.

Wasiiradda, oo ku guda jirtay kormeer ay ku tagtay Isbitaalka Keysaneey ee Magaalada Muqdisho, gaar ahaan qaybta lagu daweeya Haweenka isku furanka ku dhaco ee  (Fistula Department) ayaa ammaan ballaaran usoo jeedisay howl-wadeennada Isbibaalka, waxanay sheegtay inay dedaal ka geysan doonaan sidii loo tayayn lahaa xarunta.

“Wasaaradda caafimaadka waxaa ka go’an in Isbitaalladii guud ay si buuxda ugu maamusho Ganateeda ugu qabato, kaalmo weynna ay u fidiso, marka waa wax noo wada yaalla, aad baanan ugu faraxsanahay inaan idinla kulmo”, ayay tiri Marwo Fowziyo.

Marwo, Fowziyo ayaa u mahad celisay shaqaalaha Isbitaalka iyo hay’adda Bisha Cas oo door Lixaad leh kasoo qaadatay Dawada, shalabaynta iyo Gacan ku haynta howlaha kala duwan ee Isbitaalka.

Wasiirradda ayaa sidoo kale ka hadashay dhibaatooyinka isku furanka uu ku hayo Gabdhaha Soomaaliyeed, waxanay intaa raacisay inay qorsheynayso sidii dhaqaale lagula tacaalo loogu raadin lahaa.

Waxay sheegtay wasiirraddu inay qorsheynayaan sidii siku furanka loogu heli lahaa ka hortag iyo wacyi gelin ballaaran si loo yareeyo Khatarta naf ahaaneed eeka iman karta xanuunkan, iyadoo intaa raacisay inay inay dhibaatadani inta badan soo wajahdo Gabdhaha da’ada yar.

Wasiir Fowziyo ayaa sheegtay in Gabdhaha bukaanka ah ee la Il daran xanuunkan isku furanka ee ku jira Isbitaalka Keysaneey in ay yihiin kuwo aad u da’ yar, isla markaana ka faquuqmay bulshadii ay la noolaayeen, waxanay ku cel-celisay inay xil iska saari doonto sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada haysata.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo safar shaqo ku jooga Nairobi ayaa la kulmay madaxda Bangiga Aduunka

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta...

Xamarweyne,Boondheere iyo Shibis oo saakay looga dareeray diiwaangelinta codbixiyaasha

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka gaar ahaan Degmooyinka Xamarweyne,...

Safiirka Soomaaliya ee dalka shiinaha oo Ka Qayb gashay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Luqadda Shiinaha

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Osman...

Ciidanka Daraawiishta Puntland oo fashiliyey weerar khawaarijta Daacish ku soo qaadeen fariisimo Ciidanka ku lahaayeen buuraha G/Bari

Ciidanka Daraawiishta dowlad gobolleedka Puntland ayaa aroornimadii hore ee...