Wafdi ka socda wasaaradda qorsheynta Soomaaliya oo la kulmay wasiirka qorsheynta Dalka Qadar

Date:

Muqdisho September 20 (SNTV):-Wasiirka qorsheynta, horumarinta iyo Tirakoobka Dalka Qadar Dr, Salah Bin Mohamed, ayaa qaabilay wafdi ka socoda wasaaradda Qorsheynta ,maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha ee Xukuumadda Somalia oo hadda booqasho ku jooga Dalkaasi Qadar.

Kulankaasi dhex maray Labada geesood ayaa waxa ay iskula soo qaadeen sidii loo horumarin lahaa iskaashiga Labada Dal iyo qorshaha Soomaaliya ee Sanadka 2040, iyo sidii ay Soomaaliya uga faaii’deysaan lahayd waaya aragnimada Qadar ee ku wajahan israaraatiijiyadda xoogagga dhanka arrimaha Bulshada.

Wafdiga ka socda Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya ayaa sharraxaad ka dhageystay dhiggooda Dalka Qadar barnaamijyada horumarinta Dalkaasi iyo habka fulinta Qorshayaasha Wasaaradaha iyo ka gudubka caqabadaha hor yaalla.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee ku sugan Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan miro-dhal ah...

Ciidanka Xoogga oo fashiliyey weerar khawaarijtu ku qaadeen deegaanka Jabad Godane ee G/ Shabeellada Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fashiliyey weerar ay maleeshiyada...

Safaaradda Shiinaha oo hambalyo u dirtay Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari

Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya ayaa hambalyo diiran...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Boqor Burhaan Boqor Muuse

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...