Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Kulankii Labaad ka yeelanaya Dooda ku saabsan Amniga

Date:

Muqdisho (SNTV)-  Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho ku yeelanaya kulanka 3-aad ee Kalfadhiga 4-aad oo looga hadli doono Qeybtii Labaad Doodii shalay ee ku saabsaneyd Amniga guud ee dalka gaar ahaan amniga Muqdisho.

Shalay waxaa dooda ka qeyb qaatay oo Aragtidooda soo bandhigay 20 Xildhibaan, sida qorshuhu uu yahay waxa maanta hadli doono oo aragtidooda ku saabsan amniga Muqdisho soo bandhigi doono 27 Xildhibaan oo ka mid ahaa xildhibaanadii shalay is diiwaan galiyay.

Xildhibaan Saadaq Warfaa oo ka mid ah Xildhibaanadii shalay ka hadlay Kulanka ayaa ka codsaday Xildhibaanada Golaha Shacabka inay meel mariyaan Sharciga La Dagaalanka Argagaxisada oo Xukuumadda Soomaaliya ay u gudbisay Golaha Shacabka.

“Waxaan rajeynayaa in Kalfadhigaan Afaraad uu noqdo Kalfadhigii ugu muhiimsanaa ee noo qabsooma, sharciyo waa weyn ayaa inoo yaala, in aan meel marino ayaan codsanayaa sida Sharciga La Dagaalanka Argagaxisada, Golaha Shacabka Waajib ayaa naga saaran inaan meel marino Sharcigan Xukuumadda inoo soo gudbisay, hadii ciidamada aan gacmaha ka xirno side Amniga u sugayaan”.ayuu yiri Xildhibaan Warfaa.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa si weyn kaga dooday shalay Amniga Magaalada Muqdisho, iyadoo qaar ka mid ah ay Ciidammada ku bogaadiyeen dadaalada amniga ay wadaan sida Howlgalada lagu fashiliyo Weerarada Argagaxisada Al shabaab iyo sidoo kale iyagoo ka hortagay Qaraxyo iyo Dilal ay doonayeen inay ka geystaan Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...