Qaramada midoobay oo soo dhoweeysay Heshiiskii Soomaaliya,Itoobiya iyo Eriteriya

Date:

Muqdisho september 10 (SNTV);-Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres, ayaa soo dhoweeyay booqashada maalmo ka hor ay dalka Jabuuti ku tageen Wasiirada arrimaha dibedda ee Eritrea, Itoobiya iyo Soomaaliya, wuxuuna ugu yeeray “tallaabo kale oo muhiim ah” oo ku saabsan dalalka Geeska Afrika.

War saxaafadeed uu soo saaray afhayeen Stephane Dujarric, Guterres wuxuu sheegay in heshiiska ay gaareen afar ka mid ah wasiirrada si ay uga wada shaqeeyaan nabadda iyo xasiloonida gobolka oo tusaale wanaagsan u ah gobolka iyo kuwa ka baxsan.

Waxa uu ku celiyay iney Qaramada Midoobay sii kordhin doonto taageerada wadamada gobolka si loo xoojiyo guulaha “cajiibka ah” ee dhowaanahan.

Natiijada Booqashada Khamiistii, Eritrea iyo Jabuuti ayaa isku raacay in ay caadi u noqdaan xiriirka dib-u-dhiska diblomaasiyadeed kadib,murankii Xuduudaha ee Labada dal ka dhaxeeyay.

Sidoo kale,Soomaaliya iyo Eriteriya ayaa bishii july horaanteedii isku raacay iney soo celiyaan Xiriirkii diblomaasiyaeed.

Dhanka kale,Urur Goboleedka IGAD,ayaa soo dhoweeyay horumarada siyaasadeed ee dhowaan ka hana qaaday Gobolka Geeska Afrika,gaar ahaan Heshiiskii wadajirka ahaa ee u dhaxeeyay Ethiopia,Eriteriya iyo Soomaaliya.

Sidoo kale,Urur Goboleedka IGAD,ayaa soo dhoweeyay ka qeyb qaadashada wax ku oolka ah ee ku aadan caadi noqoshada xririirka Jabuuti iyo Eriteriya.

“ Horumaradan oo dhan waxay dhacayaan xilli isbedel wanaagsan uu ka jiro Gobolka oo dhan,” ayaa lagu yiri warbixinta IGAD.waxaana lagu ammaanay hoggaanka iyo aragtida Gobolka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabadda Maalinta Calanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay laba dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa degmada Afgooye ee Gobolka...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray dib u-dhis lagu sameeyay Dugsiga Waxaracadde

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya

Maanta oo ah 12-ka Oktoobar waxay ku beeggan tahay...