Taliska Ciidanka XDS oo dedaal ugu jirta sidii ay xorriyaddooda ku heli lahaayeen Odayaal ay Af-duubteen Al-Shabaab

Date:

Dhuusa-mareeb-(SNTV)-Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo wax-garadka kasoo jeeda Galmudug ayaa dedaallo xooggan ugu jira sidii ay xorriyaddooda u heli lahaayeen ku dhawaad 70 Qof oo u badan Odayaal, kuwaas oo ay Al-Shabaab Maalmo ka hor ka Af-duubteen degaanka Gal-qoryaale oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Taliyaha howl-gallada qaybta 21aad, ee CXD Soomaaliyeed G/dhexe C/qaadir Maxamed Cartan, ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in ay socdaan qorshayaal la doonayo in Malleeshiyaadka Al-Shabaab Gacantooda looga soo saaro Dadka ay ka qafaasheen Gal-qoryaale.

3-dii Bishan ayay ahayd markii ay Kooxda Al-Shabaab 69 Qof oo u badan Odayaal ka qafaasheen Gal-qoryaale, iyadoo aan illaa iyo haatan la garanayn halka ay u kaxaysteen Dadkan iyo goobta ay ku hayaan.

Kooxda nabad diidka ah ee Al-Shabaab ayaa caan ku ah dhac, dil, boob, cabburin, Af-duub iyo banneysashada Xoolaha Ummadda, taasoo ay u dheer tahay in ay qasab ku Askareeyaan Carruurta aan qaan-gaarin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Xoogga Dalka oo la kulmay saraakiil ka socday Safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Ka Tacsiyeynaysa Geerida Danjire Axmed Cabdalla Maxamed

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Yaaqshiid oo u gudubtay wareega labaad ee Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan.

Degmada Yaaqshiid oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Madaxda Ururada Siyaasadda Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...