Jabuuti iyo Ertetrea oo gaaray heshiis horu-dhac ah

Date:

Jabuti-(SNTV)-Dowladaha Jabuuti iyo Eretrea ayaa Shalay gaaray heshiis horudhac ah oo u Gogol-xaaraya in lasoo Af-jaro colaaddii muddo ka taagnayd xadlka ay wadaagaan Labada Dal ee dhalisay Gacan ka hadalka.

Colaadda Labada dhinac oo salka ku haysa duullaankii ay Eretrea ku qabsatay Buuralayda Dumeera, taasoo keentay in ay xukuumadda Casmara kula wareegto cudud Ciidan, kuna Af-duubato Askar Reer Jabuuti ah.

Wasiirka arrimaha dibedda Dalka Itoobiya oo ka mid ahaa Wafdigii Shalay gaaray Jabuuti ayaa boggiisa Facebook-ga ku sheegay inay aad ula dhacsan yihiin sida ay wax ku socdaan iyo isu soo dhawaashaha Labada Dowladood.

“Ka dib markii muddo dheer ay kala maqnaayeen, Eritrea iyo Djibouti waxay ku heshiiyeen in ay dib u soo celiyaan xiriirkooda,waana tallaabbo fiican” , ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibedda ee Itoobiya ,Workneh Gebeyehu.

Wada hadallada dhinacyadaasi ka dib ayay Wasiirrada arrimaha dibedda Soomaaliya, Itoobiya, Eretrea iyo Jabuuti oo wada jira waxay kulan gaar ah la qaateen Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, wuxuuna si weyn usoo dhoweeyay dedaallada dib u heshiisiineed ee ay wadaan Madaxda Gobolka.

Wasiirka Warfaafinta Dalka Eritrea, Yemane Gebremeskal ayaa boggiisa Twitter-ka ku sheegay in Ismaaciil Cumar Geelle uu u muujiyay inay diyaar u yihiin in la gaaro dib u heshiisiin iyo in la wanaajiyo xiriirkii Jabuuti iyo Eretrea.

Wasiirka arrimaha dibedda Eretrea Cusmaan Saalax, ayaa sheegay inay Dowladdiisu ka go’an tahay in ay heshiis waara la gaarto Jabuuto, lana dhameeyo wixii mad-madoow ah ee u dhexeeyay.

Wasiirka arrimaha dibedda Dalka Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf , ayaa isna sheegay inay ka run sheegayaan in ay muujinta heshiis dhab ah oo ay gaaraan Dalkiisa iyo Eretrea, iyo xal ka gaarista xaalad kasta oo Gobolka ka taagan.

Kulankii ay yeesheen wasiirrada arrimaha dibedda ee Soomaaliya, Jabuuti, Itoobiya iyo Eretrea ayaa laga soo saaray war-murtiyeed aan faah-faahsanayn taxaddarna laga muujiyay, kaas oo lagu sheegay in ay tallaabadani tahay mid weyn oo loo qaaday dhanka adkaynta nabadda iyo deggenaanshaha Gobolka, iyadoo lagu taageerayo is-dhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika.

Isha/Agencies

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...