Eng. Yarisow “Dalxiisku waa farriin ku wajahan argagixisada doonaysa in ay niyad jabiyeen shacabkeenna.”

Date:

Muqdisho (SNTV)- Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa xeebta Keysaney ee degmada Kaaraan ku daah-furay Olalaha Dalxiiska Caasimadda.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu ka shaqeynayo dib u soo nooleynta dalxiiska, maadaama Caasimaddu ay caan ku ahayd goobo si weyn loogu soo dalxiis tagi jiray.

Sidoo kale, Guddoomiye Yarisow ayaa ka warbixiyey qorsheyaasha ku saabsan dib u soo celinta goobahii nasashada bulshada ee Gobolka Banaadir, isagoona tilmaamay muhiimadda ay u leeyihiin goobahaasi bilicda iyo isdhaxgalka bulshada.

“Dalxiisku waxa uu astaan u yahay nabadda iyo horumarka bulshada, waa farriin cad oo ku wajahan argagixisada doonaysa in ay niyad jabiyeen shacabkeenna, muuqaal khaldanna ay ka bixiyaan dalkeenna.”

Guddoomiye Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa ganacsatada ugu baaqay in ay kaalintooda ka qaataan dib u soo nooleynta dalxiiska Caasimadda iyo dadaallada kale ee kor loogu qaadayo bilicda iyo horumarka Gobolka.

Olalahan oo ay ka shaqeynayso Waaxda Dalxiiska iyo Maalgashiga Gobolka, ayaa inta uu socdo waxaa lagu qaban doonaa 17-ka degmo ee Gobolba Banaadir bandhiyo ku saabsan dhaqanka iyo dhiirri gelinta dalxiiska.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Masuuliyiin ka tirsan Dowladda oo kulan la qaatay beeraleyda Gobolka Shabeellaha Hoose

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS, Xildhibaan Maxamed Cabdi...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO BOOQASHO SHAQO KU TAGAY XARUNTA WASAARADDA WARFAAFINTA

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Kulan looga hadlayay xoojinta wacyigelinta adeegyada Aqoonsiga Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho

Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa magaalada Muqdisho...