Kooxda Nabad-diidka Al-Shabaab oo Biyaha Wabiga ku furay deegaano hoostaga degmada Qoryooley

Date:

Wararka naga soo gaarayo degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in Kooxda Nabad-diidka Al-Shabaab Tuulooyin hoostaga degmadaasi ku fureen Biyo ka dhashay Fatahaadii uu sameeyay Wabiga Shabeelle.

Kooxda Nabad-diidka ah ayaa ilaa iyo shan Tuulo oo hoostaga degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeellaha Hoose ku gooyay Biyaha,kuwaasi oo sababay in dad badan Guryahooda ay ka barakacaan,waxaana dadka barakacay dib u dejin loogu sameeyay degmada Qoryooley ee Gobolkaasi.

Sidoo kale,Biyaha ayaa saameyn ku yeeshay dalagyada ay dadka beeraleyda ah beerteen,kuwaasi oo gabi ahaanba biyaha ay baabi’iyeen.

Guddoomiyaha degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeellaha Hoose Mudane Sayid Cali Ibraahim Xasan oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in muddooyinkii danbe ay wadeen howlgalo ay ku baacsanayeen Kooxda argagixisada Al-Shabaab oo falal ay ku dhibaateynayaan dadka rayidka ah ka waday deegaano hoostaga degmadaasi,wuxuuna carabka ku adkeeyay.

“Muddooyinkii danbe waxaan wadnay howlgalo aan ku baacsaneynay cadowga Al-Shabaab oo la soo baxay dhaqan ah iney jaraan wadooyinkii fududeynayay isku socodka,waxayna hadda Biyaha Fatahaada Wabiga ku gooyeen deegaano hoostaga degmada Qoryooleey sida Mashalaay,farxaane iyo Gaawurow,”ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Qorooleey.

Sidoo kale,Guddoomiye Sayid Cali ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga dalka ay ka hortageen qorshe ay argagixisada Al-Shabaab ku damacsanaayeen iney ku jaraan Buundo muhiim ah isku socodka dadka iyo gaadiidka deegaanada hoostada degmadaasi.

Kooxda Nabad-diidka Al-Shabaab oo u babac dhigi waayay awooda Ciidamada Xoogga dalka ayaa u weecday dhibaateynta dadka rayidka ah,waxayna markasta ciidamada Xoogga dalka u taagan yihiin Difaaca dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirka Labaad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka oo Muqdisho ka furmay

Waxaa maanta Muqdisho ka furmay Shirka Labaad ee Kaabayaasha...

Boliiska oo digniin adag kasoo saaray sumcad-dilka iyo aflagaado loo geysto madaxda qaranka & ku xadgudubka diinteenna suuban

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa digniin adag kasoo saaray sumcad-dil...

Taliyaha Ciidanka Dhulka :Dadka deegaanka ayaa sabab u ah in ciidanku ku jebiyaan Khawaarijta Ceeldheer

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal Cabdullaahi...

Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta

Jabkii isdaba joogga ahaa ee khawaarijta ka soo gaaray...