Guddoomiyaha Golaha shacabka oo shaaciyay waqtiga rasmiga ah uu furmayo kalafadhiga

Date:

Muqdisho SNTV -: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa shaaciyay waqtiga rasmiga ah uu furmi doono kalafadhiga 4-aad ee Golaha Shacabka.

War ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS,ayaa lagu sheegay in kalafadhiga 4-aad ee Golaha shacabka uu furmi doono 10-ka bisha September ee bisha soo socota,sidaasi daraateedna looga baahan yahay in Xildhibaanada Golaha Shacabka dalka ku soo laabtaan ugu danbeyn 5-ta bisha September ee sanadkaan.

“Sida aad la socoto furitaanka kalafadhiga 4-aad, ee Golaha shacabka waxaa loo qorsheeyay in la furo 10-ka September 2018-ka,sidaasi daraateed waxaa dhammaan Xildhibaanada Golaha shacabka laga codsanayaa iney dalka soo galaan ugu danbeyn 5-ta September 2018,diyaarna u noqdaan xil-gudashada uga beegan kalafadhiga 4-aad ee  Golaha shacabka,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...