In ka badan hal milyan oo qof manta taagan baanka buurta carafo

Date:

August 20, 2018-:

Maanta oo ah 9ka bisha Carafo(dulxaj) waxaa iyagoo khushuucsan ku qulqulayaa Banka  Carafo xujeyda Baaytka allah si aay ugu taan rukni ka mid ah runki axkaamta Islaamka.

Sida uu xadiiskiisa shariifka uu ka sheegay Rasuulkeyna Mahamed  naxristii eebe korkiisa ha ahaatee Xaajka oo aansax noqonayn ilaa laga istaago baanka carafo marka quroxda soo baaxda ilaa ay ka dhacdo, wuxuuna yiri Rasuulkeyna suuban “Xaja  waa Carafo”

Maanta waxay xujeyda istaagayaan Banka Carafo iyadoo malaaikta allah dhinac walba ka hareeraysan tahay  waxayna allah ka baaryayaan in loo danbi dhaafo Xujeyda iyo inuu Naarta  ka xoreeyo adoomankiisa Taagan Carafo.

Sida laga soo wariyay Xadiiska wuxuu yiri Nabigeyna suuban ducda ugu kheyrka badan “ waa tan maalinta Carafo ilaah la baryo.

Marka la gaaro Duhurkii Imaamka Masjidka Nimra ee Carafo waxa u xujeyda ataagan banaka Carafo u jeedinayaan khudbad wacdikadibna xujeyda waxay dukanayaan salaadda Duhurka oo laa isku daray la soo gaagaabiyay.,waxaan la sheegay buurta Carafo inay tahay meesha aay isku baarteen Nabi Adan iyo Xaawa markii janada laga soo saaray markaassi ayaa Buurtaasi loo aqoonsay Carafo micnaheedu yahay isbarasho.

Kadib markii ay Xujeydu gutaan waajibaasi farliga ah, waxay markaa ay qoruxdu dhacdo waxay urursanayaan dhaxgaanta ay ku tuuri lahaayeen jamaraadka iyagoo berito subax  bisha Dulxija 10 ay tahayna ay Mina si ay dhagxaanta ugu tuuraan jamaaraadka.

Dhanka kale Soonka manta oo kale ee 9-ka Carafo waa Sunah mu’akad ah oo la jideeyay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...