Wasiirka Cadaaladda xukuumada Soomaaliya oo Heshiis lagu Hormarinayo Garsoorka Dalka la Saxiixday UNSOM iyo UNDP

Date:

Muqdisho Tallaado August 14 (SNTV):-Waa barnaamij socon doona 2018 ilaa 2021 kaas oo loogu tala galay in lagu hormariyo garsoorka dalka oo mudooyinkan dambe dib u habeyn balaarani ay ku socotay waxaana wasaaradda gacan ka siinaya xafiiska UN-ka u qaabilsan Soomaaliya ee Unsom iyo Hayโ€™ada UN ka u qaabilsan Hormarinta ee UNDP.

Wasiirka Cadaalada Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa xafiiskiisa kula saxiixday heshiis ku xigeenka Wakiilka gaarka ah ee UN ka u qaabilsan Soomaaliya Peter de Clerq iyo Madaxa UNDP Soomaaliya waxaana ay masuuliyiintu sheegeen in uu yahay barnaamijkan mid muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed.

Peter de Clerq ku xigeenka ergayga UNka u qaabilsan Soomaaliya ayaa barnaamijkan uga mahad celiyay qaar ka mid ah dowladaha deeq-bixiyayaasha caalamka iyo dhamaanba dhinacyada gacanta ka geystay.

โ€œWaxaan sidoo kale u mahadcelinayaa beesha caalamka iyo qaar ka mid ah deeq bixiyaasha sida Sweden Netherlands iyo midowga Yurub oo door weyn kulahaa barnaamijkan suurta galintiisa hayโ€™ado badan oo UNka ah ayaa ka qayb qaatay sidoo kale lkn doorka ugu weyn waxaa leh xafiiska UNka ee Soomaaliya iyo UNDPโ€ayuu yiri Mr Clerq .

Wasiirka Cadaalada xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in barnaamijkani uu yahay mid lagu hormarinayo Garsoorka Dalka uuna ka qayb ka qaadan doono dhismaha Hayโ€™addaha Cadaalada dalka sida dhismaha Maxkamada Dastuuriga, Gudiga la dagaalanka Musuq maasuqa,Ururada Qareenada Dalka iyo dhinacyo kale isagoo u mahad celiyay cid kasta oo ka qayb qaadatay.

โ€œQorshahaan waxaa uu ka qayb qaadan doonaa dhismaha Bahda Cadaalada si gaar ah hayโ€™adaha garsoorka ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed isugu jira waxaan u mahad celinayaa dhamaan dhinacyadii gacan ka geestay UNka oo dhan qaasatan xafiiska ugu weyn ee Unsom iyo UNDP waxaa uu naga saacidi doonaa barnaamijkani dhismaha hayโ€™addo ay ka mid yihiin Maxkamadii dastuuriga,gudiga la dagaalanka musuq maasuqa,Ururada qareenada dalka iyo kuwa kale โ€œayuu yiri Wasiirka Cadaaladda XFS

Wasiirka Cadaaladda ayaa sidoo Kale sheegay in ujeedku yahay helida Garsoor hufan oo bulshadu ku kalsoonaan karto, iyadoo ay Dhawaanahaan socotay dadaallo dib u habeyn loogu sameynayo Nidaamka Cadaaladda Dalka, waxaana xilalkii laga qaaday qaar ka mid ah Masuuliyiinta Maxkamaddaha iyo Garsoorayaal.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hayโ€™adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Kordhinta Adkeysiga Iyo La-qabsiga Isbedelka Cimillada

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABEY MAAREEYAHA GUUD EE WAKAALADDA MADBACADDA QARANKA

Madaxweynaha Jamnhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane xasan Sheekh Maxamuud ayaa...