Daraasad sheegeysa in Fadhiga badan uu keeno cudurro halis ah

Date:

Muqdisho Tallaado August 14 (SNTV):- Akhristow Natiijooyin ka soo baxay daraasado cilmiyeed   dhawaan ay sameeyeen saynisyahannada Bulshadda Maraykanka ee Kansarka, ayaa lagu ogaaday in fadhiga oo lagu qaado muddo dheer si joogto ah ay ka dhalan karaan arrimo caafimaad oo halis ah.

Natiijooyinka daraasadda ayaa muujinaya xiriirka ka dhexee

ya dhaqdhaqaaqa hoos u dhaca jirka iyo khatarta dhimashada sababtoo ah, cuduro kala duwan oo hareer socda dhaqanka nuucaan ah oo la caadeysto.

“Haddii qofku uu fadhiyo 6 saacadood ama ka badan maalintii, halista dhimashada ayaa kordhi doonta 19% marka la barbar dhigo kuwa qaata in ka yar 3 saacadood oo fadhiya,” cilmi-baarayaal ayaa sidaasi sheegay.

Waxay kaloo ogaadeen Cilmi baadhayaashu in caadadani ay la xiriirto heerarka sare ee duxda sokorta, iyo cadaadiska dhiigga.

Daraasad ayaa xaqiijisay in ku fadhiga muddo dheer uu keeni karto sabababo badan oo horsed u ah cudurro kala duwan sida: nuucyo kamid ah kansarka, cudurrda wadnaha iyo xididdada dhiigga, macaanka, cudurada nidaamka muruqyada, kelyaha, sambabada, beerka, cudurrada dheef-shiidka iyo mindhicirka, cudurka laleelmada iyo cudurka dhimirka beelida iyo xanuunada maskaxda ah.

Waxaa sidoo kale jira xiriirka u dhexeeya fadhida muddo dheer iyo ujeedka is-dilka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...