Muqdisho (SNTV)- Daahfurka Barnaamijka Dhalinyarada iyo Habeenka Muqdisho oo xalay ka hirgalay Degmada Kaaran.
Masuuliyiin ay kamid tahay Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, guddoomiyaha gobalka Benaadir ahna duqa Muqdisho, Maamulka degmada Kaaraan iyo Marti sharaf kale ayaa ka soo qeyb galay barnaaamijka iyadoo daawasadiisuna ay goob joog u ahaayeen qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada Kaaraan ee gobalka Benaadir.
Barnaamijkan ayay dhalinyarada Muqdisho ku soo bandhigi doonaan Hibada Allh siiyay, waxaana sidoo kale barnaamijkan lagu wareejin doonaa qeybaha kale ee degmooyinka gobalka Benaadir.
Dhawaan ayay aheyd markii gobalka Banaadir uu qabtay tartanka Feerka sodon-sano kaddib kaasi oo isna ka dhacay degmada Xamar-jajab ee gobalka Benaadir.