Xukuumadda Soomaaliya oo wax ka badaleysa habka dhoofinta Xoolaha

Date:

Muqdisho(SNTV) Raiisul wasaare kuxigeenka Xukuumadda Soomaaliya ayaa siweyn uga hadlay ahmiyadda ay leedahay horumarinta dhaqaalaha dalka,isagoo xusay in ka ganacsiga Xoolaha Nool ay yihiin lafdhabarka dhaqaalaha ee dalka,xili uu ka qeybgalay xil wareejinta wasaarada Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa.

Raiisul wasaare kuxigeenka Xukuumadda Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed Qadar ayaa ammaanay waxqabadka wasiirkii hore mudadii uu joogay,isagoo dhanka kale bogaadiyay wasiirka cusub in uu dardargeliyo howlaha horyaala,wuxuuna raiiusl wasaare kuxigeenka Dalka uu xuseen in wasaaraddu ay kamid tahay wasaaradaha ugu muhiimsan wax soo saarka dalka,isagoona rajo ka muujiyay in wasiirka cusub uu ku guuleysto howsha loo igmaday.

“Waqtiga waa uu ordayaa sanad iyo 4 bilood waxaa inoo qabsoomay waxbaday,hadii ay ahaan lahayd arrimihii Dastuurka,horumarka dhaqaalah sida ka ganacsiga Xoolaha,iyo sida wasaraadda Xanaanada Xoolaha ay horumar u sameysay maadaama ay tahay lafdhabarka dhaqaalaha Dalka,sidii aan uga fekeri lahayn in aan horumarino xoolaha nool oo habkii dhoofintuna waxbadan aan ka bedelno,lana helo Xoolo caafimaad qaba,taasi ayaa waxtar weyn inoo leh”. Ayuu yiri Raiiusl wasaare kuxigeenka Dalka.

Munaasabaddaan oo uu xilka kula wareegayay Wasiirka cusub ee wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa  Xukuumadda SoomaaliyaMudane Xildhibaan Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen oo lagu qabtay Muqdisho waxaa goob joog ka ahaa raiisul wasaare kuxigeenka Soomaaliya,Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Mudane Xildhibaan  Sheekh Nuur Maxamed Xasan oo xilkaasi wareejiayay ,agaasimaha guud ee wasaaraddaasi, Maxamed Cumar Maxamuud,iyo maamulka iyo shaqaalaha wasaaraddaasi.

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Mudane Sheekh Nuur Maxamed Xasan oo xilkaasi wareejiayay ayaa sheegay in waxbadan ay u qabsoomeen mudadii uu xafiiskaasi joogay ,isagoo xusey in ay horumariyeen mashaariic kaladuwan iyo heshiisyo caalami ah oo kamid ah dhoofinta Xoolaha Soomaaliya iyo in Suuq loo helo,maadaama wasaaraddu ay kamid tahay,wasaaradaha ugu muhiimsan Dalka.

Mudane Xildhibaan Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen Wasiirka cusub ee wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaq oo xilkaasi si rasmi ah ula wareegay ayaa balanqaaday in uu dardargelindoono howlaha horyaala wasaaradda.

“Runtii wasaaradda Xanaalada Xoolaha waa wasaaradd aad u muhiimsan waad la socotaan marka laga soot ago daruufaha dalka kajira,marka waxaan balanqaadaynaa in aan halkiisa ka sii amba qaado horumarkii uu sameeyey wasiirkii hore”. Ayuu yiri Wasiir Xuseen Maxamuud.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Norway oo maamulka koofur galbeed Soomaaliya ka caawineysa horumarinta korontada

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo saaka ka saaray Khawaarijta deegaanka Gumarre

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan...