Ciidanka Amniga oo Suuq Bacaad ku toogtay Dhagar qabe katirsan Argagaxisada Al-shabaab

Date:

Ciidamada Ammaanka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta khaarajiyey dhagar qabe katirsanaa Maleeshiyaadka Argagixisada ah ee Al-shabaab, kaasi oo qof Muwaadin ah ku dilay Suuq Bacaad.

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow ayaa u sheegay warbaahinta Qaranka in Ciidanka Amniga ay khaarajiyeen dhagar qabahaasi oo markii hore dil u geystay Muwaadin Soomaaliyeed, isla goobtii uu dilka ka geystayna ciidamada ay ku toogteen.

Ciidamada Ammaanka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horey u khaarajiyey Maleeshiyaad badan oo katirsan Al-shabaab, kuwaas oo qaarkood isku dayayey iney dhibaato ugeystaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyey geerida Dr Cumar Aaden Cadde

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 9-aad ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi Dhinaca Difaaca Ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...