Wasiirka Maaliyadda XFS oo Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socda Midowga Yurub

Date:

Muqdisho(SNTV);- Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaalle Beyle ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socda Midowga Yurub oo ay ka wada hadleen arrimaha Soomaaliya.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in Wafdiga ka socda Midowga Yurub ay ka wada hadleen taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Dowladda Soomaaliya,isagoona dhanka kale tilmaamay iney ka goโ€™an tahay iney ka wada shaqeeyaan horumarka dalka.

โ€˜Waxaan maanta xafiiskayga ku qaabilay Wafdi ka socda Midowga Yurub oo aan ka wada hadalnay taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Dowladda Soomaaliya, waxaana naga go,an inaan ka wada shaqeyno horumar ka Dalkaโ€. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya.

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa waddo dardar gelinta howlaha Maamulka iyo Maaliyadda dalka oo ay Hayโ€™adaha dhaqaalaha aduunka ay ku qanceen sida ay hadda wax u socdaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta oo gaaray magaalada London.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Al-Cadaala, ayaa...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...