Ololaha Isxilqaan oo Jimcihii labaad ka socda Muqdisho.

Date:

Muqdisho(SNTV):–Olalaha Isxilqaan ee 26-kii Luuliyo uu ku dhawaaqay Madaxweyne Farmaajo ayaa Jimcihii labaad oo xiriir ah ka socda magaaladda Muqdisho, waxaana saakay degmooyinka qaar ee Gobolka Banadir isugu soo baxay boqollaad dadweyne ah oo fulinaya codsigii Madaxweynaha ee ahaa in saacadaha todobaadkii labo saac iyo bar ka mid ah dadka Soomaaliyeed ay qabtaan shaqo Isxilqaan ah oo dalka dib loogu dhisayo.

Dadka saaka isu soo baxay ayaa ka shaqeynayay bilicda magaalada, iyaga oo hawl nadaafadeed ka qabtay waddooyinka muhiim ka ah ee Muqdisho, qaar ka mid ah dadkaas oo la hadlay SONNA ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in ay dalkooda dib u dhiskiisa iyo hormarkiisa ay waqtigooda galiyaan.

Maamulka iyo shaqaalaha Madaxtooyada qaranka ayaa ka mid ah ahaa dadka saaka ka qeyb galay Ololaha Isxilqaan ee ka dhacay degmada Warta-nabadda, Aamino Siciid Cali Agaasime kuxigeenka Madaxtooyada oo SONNA la hadashay ayaa sheegtay in maamulka iyo shaqaalaha Madaxtooyadu ay todobaadkii labaad ka qeyb qaadanayaan Ololaha Isxilqaan.

“Shaqaale iyo maamulba innaga oo fullineyna soo jeedintii Madaxweynaha ayaan u taagannahay todobaadkii labaad in ay ka qeyb qaadanno Isxilqaan, waxaana ku boorinayaa qof walba oo muwaadin ah in uu kaalintiisa muujiyo oo aan u midowno sidii dalkeena aan u hormari lahayn” ayay tiri Aamina Siciid Cali Agaasime Kuxigeenka Maamulka ee Madaxtooyada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhammaadkii bishii Luuliyo ka codsaday Shacabka Soomaaliyeed in ay muujiyaan isku xirnaan oo ay u istaagaan dib u dhiska dalka, waxa uuna ku dhawaaqay Ololaha Isxilqaan oo la doonayo in dib loogu dhiso goobaha danta guud, laguna hormariyo wadanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Gaashaandhigga oo ka tacsiyadeeyay geerida Agaasime Ku-xigeenkii Warbaahinta Ciidamada Qalabka Sida.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin...

Duqa Muqdisho oo xafiiskiisa ku qaabilay Duqa Magaalada St. Louis Park ee Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo kulan la qaatay Wasiirro iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Galmudug

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dawladda...

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyay geerida AUN Weriye Maxamed Diiriye Dhakat

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Cabdulfitax...