Madaxda Galmudug oo Kulan ku aadan muhiimada golayaasha deegaanka uqabatay dadka reer caabudwaaq

Date:

Jimce 3 Bisha August (SNTV):-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Dawlad Goboleedka Galmudug Maxamed Xayir Nuur oo ay wehliyaan Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa kulan isugu jiray wacyigelin iyo diyaar garowga dhismaha Goloaha Deegaanka ku qabtay Degmada Caabudwaaq.

Guddoomiyaha Degmada Caabudwaaq oo daahfuray kulanka ayaa sheegay dhismaha golaha deegaanka uu muhiim u yahay in la helo maamul ka yimaada shacabka degmada, waxaana uu ku soo dhaweyay Ugaas Axmed Barre Cali (Taakooy)

Xubno ka kala socday xaafadaha kaladuwan ee Degmada, Aqoonyahano iyo golaha guurtida ayaa qayb ka ahaa kulanka looga tashanayay dhismaha golaha deegaanka, waxaana suโ€™aalo ku aadan habka dhismaha golaha deegaankaย ย lagu waydiiyay masโ€™uuliyiinta ka socotay Wasaarada arrimaha gudaha ee Galmudug.

La tilayaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee arimaha dowlada hoose Yasiin Cabdi Jaamac ayaa jawaabay suโ€™aalaha ay qabeen ka qayb galayaasha kulanka.

Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Galmudug Maxamed Xayir Nuur oo soo gunaanaday kulanka ayaa sheegay in dhismaha golaha deegaanka ay ka horeyso wacyi gelinta iyo fahamsiita bulshada muhiimadda uu golaha deegaanka u leeyahay shacabka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay Safiirka Talyaaniga xoojinta xiriirka labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo xafiikiisa ku qaabilay danjiraha Ururka Jaamicadda Carabta u qaabilsan Soomaaliya

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo furay shirka wadamada xubnaha ka ah Ciidanka Heeganka Afrikada Bari

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...