Soomaaliya Oo Ku Biirtay Suuqa Bariga Iyo Koofurta Afrika (COMESA)

Date:

Muqdisho, July 19, 2018 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo maanta magaalada Lusaka ee dalka Zambia uga qayb galay kulan madaxeedka 20-aad ee wadamada ku bohoobay Suuqa Bariga iyo Koonfurta Afrika (COMESA) ayaa saxiixay xubinnimada Soomaaliya ee suuqaasi.

Madaxda ka qayb gashay kulan madaxeedka ayaa ugu hambalyeeyay Ra’iisul Wasaare Khayre ku-biiridda Soomaaliya ee suuqa Bariga iyo Koofurta Afrika, iyaga oo u ballan qaaday in ay babar istaagayaan dadaallada Soomaaliya ay dib ugu soo ceshanayso maqaamkii ay ku lahayd adduunka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dhankiisa u hambalyeeyay xoghahaya cusub ee loo doortay in ay hogaamiso COMESA, Ms. Chileshe Kapwepwe oo xilka kala wareegtay xoghayihii hore Mr. Sindiso Ngwenya.

Suuqa Bariga iyo Koofurta Afrika (COMESA) oo la’aasaasay December 8, 1994 ayaa dhiiirri geliya koboca dhaqaalaha gobalka iyada oo loo marayo ganacsi iyo maal gashi, waxa ayna ku biiritaanka Soomaaliya kaabaysaa qorshayaasha lagu dardargelinayo koboca iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare khayre iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa la kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Zambia waxa uuna ku dhiirri geliyay in ay ka qayb qaataan qorshaha horumarinta dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...