Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Soomaaliya oo furay fadhigga 1-aad ee shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee Brussels

Date:

Brussels(SNTV) :–Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Maxamed Guuleed ayaa guddoomiyey fadhiga 1aad ee furitaanka Madasha Iskaashiga Soomaaliya oo maanta ka furmay magaalada Brussels.

Qeybta 1aad ee fadhigan ayaa lagaga hadlay “Siyaasadda loo dhan yahay ee dalka” oo ku saabsan doorashooyinka dalka, dib-u-habeynta ciidanka, la dagaallanka argagixisada, qeybsashada kheyraadka dabiiciga ah iyo hannaanka mideynta cashuuraha waddanka.

Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo masuuliyiinta heer Federaal ayaa ka dooday muhiimadda ay leedahay in la sii ambaqaado qorsheyaasha lagu xaqiijinayo hiigsiga Soomaaliya ee sanadka 2020-ka, gaar ahaan qabyo-tirka dastuurka, dhammeystirka hannaanka Fadaraaleynta iyo qiimeynta qorshe-hawleedka doorashooyinka sanadka 2020-ka.

Qeybaha kale ee fadhiyada kale ayaa lagaga hadli doonaa amniga guud ee Soomaaliya, bixitaanka AMISOM iyo sidii ciidamada Soomaaliyeed ay ugala wareegi lahaayeen ammaanka dalka, arrimaha bini’aadantinnimada iyo gargaarka, dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha iyo soo kabashada ilaa haatan Dowladda Soomaaliya ay ka gaartay dhanka dhaqaalaha iyo sidii loo sii joogtayn lahaa.

Munaasabadda furitaanka ayaa waxaa ka qeyb-galay Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Puntland; Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Jubbaland; Mudane Axmed Maxamed Islaan, Koonfur Galbeed; Mudane Shariif Xasan Sheekh Axmed, Galmudug; Mudane Axmed Ducaale Geelle, Hirshabeelle; Mudane Maxamed Cabdi Waare, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka Soomaaliya, Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka, Lataliyaha Madaxweynaha ee dhanka Amniga, khubaro iyo ganacsto Soomaaliyeed.

Sidoo kale, waxaa shirka qeyb ka ahaa madax ka tirsan Midowga Yurub, Midowga Afrika, Beesha Caalamka iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Sweden.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Sawirro: NISA oo mid dishay, midna nolosha ku qabatay rag dil ka geysa rabay Muqdisho

Ciidamada Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA...

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...