Guddiyada dib u eegista Dastuurka ee BFS oo Muqdisho kulan ku yeeshay

Date:

Muqdisho (SNTV), Guddiga madaxa banaan ee dib u eegista iyo  hirgelinta Dastuurka, ayaa maanta ku wareejiyey guddiga la socodka dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka ee BFS Shan cutub oo ka mid ah Dastuurka oo ay kasoo shaqeeyeen, kadib kulan ay ku yeesheen magaaladda Muqdisho.

Kulanka, ayaa  waxaa ugu horeyn ka hadlay guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee dib u eegista iyo  hirgalinta dastuurka Mudane Maxamed Daahir Afrax, waxa uuna sheegay in shantan cutub ay guddi ahaan ka soo shaqeeyeen guddiga la socodka Baarlamaanka  looga baahan yahay in bulshada ay la wadaagaan.

Mudane Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) Guddoomiyaha  guddiga la socodka dib u eegista iyo hirgalinta dasuurka ee BFS, ayaa sheegay in dastuurka ay u qaybiyeen 15 cutub shan ka mid ah ay u soo gudbiyeen guddiga  madaxa banaan ee dib u eegista iyo  hirgalinta dastuurka.

“15 Cutub ayaan dastuurka u qeybinay, 5 ayay soo gudbiyeen guddiga  madaxa banaan,  iyaggoo tasiilaadkii ay ku shaqaynayeen aysan u dhamaystirnayn, taasi waa guul u soo hoyatay labada guddi iyo wasaaradda dastuurka oo howl wadaag yihiin, ayuu yiri Mudane Cabdi Xasan Cawaale.

Wasiirka wasaaradda dastuurka Xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudan Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, ayaa  ka warbixiyay howlaha dhankiisa ah ee dastuurka, waxa uuna sheegay in shirkii dhowaan madaxda qaranka iyo kuwa dowlad goboleedyada ku yeeshay baydhaba uu hor dhigay qodob ku xeran siyaasada.

“Madaxa qaranka iyo kuwa dowlad goboleedyada shirkii ay ku yeesheen magaaladda baydhaba waxaan hor dhigay qodob kala ah Doorashada iyo qaybsiga qayraadka “ ayuu yiri Wasii C/raxmaaan.

Guddoomiyaha golaha aqalka sare baarlaamanka federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi oo kulanka ka qayb galay, ayaa u mahadceliyay guddiga madaxa banaan ee dib u eegista iyo  hirgalinta dastuurka howsha ay soo qabteen, wuxuuna dhinaca kale sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay wada shaqaynta labada gudi ee dib u eegista dastuurka iyo wasaarada dastuurka .

“Waan u mahadcelinayaa guddiga madaxa banaan, dhanka kalana waxaa farxad ah in labada guddi ee dastuurka iyo wasaarada dastuurka in ay maanta miiska wada fadhiyaan oo ay wada shaqaynayaan loona baahan yahay in ay u dhabar adeegaan dhamaystirka dastuurka, si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan dastuur dhamaystiran “ ayuu yiri Guddoomiye Cabdi Xaashi.

Kulan markii uu soo  dhammaaday ka dib, ayaa kulanka maanta waxaa laga soo saaray war saxaafadeed ku aadan heerarkii uu soo maray dastuurka waxaana saxaafada u aqriyay xoghayaha guddiga la socodka dib u eegista iyo hirgalinta dasuurka ee BFS Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlayay dardargelinta hawlaha qabanqaabada Xuska Maalmaha Xorriyadda ayaa lagu qabtay Muqdisho

Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada, ahna Wasiirka...

Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo baaris ku wada dhallinyaro ku xadgudbay Gabadh Soomaaliyeed

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay uu...

Masuuliyiin katirsan Dowladda oo booqday Xarunta Qaran ee TUBSAN

Agaasimaha Xarunta Qaran ee TUBSAN, Mudane Cali Yaasiin Gurbe,...

Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabelle iyo mas’uuliyiin kale oo u baxay joojinta colaadda ka taagan magaalada Jalalaqsi

Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), Senator Fartuun...