Danjire Jamaaludiin “sii deynta Qalbi-dhax waa codsi ka yimid dowladda Soomaaliya”

Date:

Dowladda Ethiopia ayaa faah-faahin ka bixisay sii deyntii Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi- Dhagax)  in ay ku timid codsi ka yimid dowladda Federaalka Soomaaliya, dhinaca kalena fasiraad ka bixisay hadal uu dhowaan sheegay Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed.

Safiirka dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Jamaaludiin Mustafa Cumar oo warbaahinta dowladda Soomaaliya war uu  siiyey ku sheegay in dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ay ka wada hadleen sii deynta Qalb-dhgax,  dowladda Federaalka Itoobiyana ay tixgelisay codsigaas lana sii daayey.

Dhinaca Safiirka dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Jamaaludiin Mustafa Cumar ayaa fasiraad ka bixiyey hadal uu dhowaan Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ka jeediyey dalkiisa, kaas oo warbaahinta ay si khaldan u turjumeen, waxa uu hoosta ka xariiqay in aysan jirin laba dal oo la mideynaya, hasa yeeshee u jeedadu ay tahay sidii la isaga kaashan lahaa mideynta Dhaqaalaha  geeska Africa si Soomaaliya iyo Itoobiya ay hormuud ugu noqdaan arrintaas.

“waxba kama jiraan hadallada  been abuurka ah ee sheegaya  in Ra’iisul wasaare Abiy Axmed uu  yiri waxaa la mideynaya labada dal, waxa la mideynaya waa Dhaqaalaha labada dowladdood, taasna Midowga Yurub, Midowga Africa iyo waddamada horumaray ayaa ku dhaqma, cadowgeenna waa Faqriga iyo Gaajada waana in aan  si wadajir ah ula dagaallamaan labada dal”.

Safiirka dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Danjire Jamaaludiin ayaa sheegay in Jiilashada hadda ee labada waddan in aysan u baahneyn colaadihii la soo maray oo ilbaxnimadu ay tahay in la isdhaxgalo.

Dalka Itooobiya waxaa ka jira isbaddello siyaasaddeed, taas oo keentay in maxaabiista qolyaha mucaawadka laga sii daayo Xabsiyada dalka Itoobiya, sii deynta Qalbi-dhagaxna ay qeyb ka tahay isbaddelladaas Itoobiya ka socda.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...