Danjire Jamaaludiin โ€œsii deynta Qalbi-dhax waa codsi ka yimid dowladda Soomaaliyaโ€

Date:

Dowladda Ethiopia ayaa faah-faahin ka bixisay sii deyntii Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi- Dhagax) ย in ay ku timid codsi ka yimid dowladda Federaalka Soomaaliya, dhinaca kalena fasiraad ka bixisay hadal uu dhowaan sheegay Raโ€™iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed.

Safiirka dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Jamaaludiin Mustafa Cumar oo warbaahinta dowladda Soomaaliya war uu ย siiyey ku sheegay in dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ay ka wada hadleen sii deynta Qalb-dhgax, ย dowladda Federaalka Itoobiyana ay tixgelisay codsigaas lana sii daayey.

Dhinaca Safiirka dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Jamaaludiin Mustafa Cumar ayaa fasiraad ka bixiyey hadal uu dhowaan Raโ€™iisul wasaaraha Itoobiya ka jeediyey dalkiisa, kaas oo warbaahinta ay si khaldan u turjumeen, waxa uu hoosta ka xariiqay in aysan jirin laba dal oo la mideynaya, hasa yeeshee u jeedadu ay tahay sidii la isaga kaashan lahaa mideynta Dhaqaalahaย  geeska Africa si Soomaaliya iyo Itoobiya ay hormuud ugu noqdaan arrintaas.

โ€œwaxba kama jiraan hadallada ย been abuurka ah ee sheegaya ย in Raโ€™iisul wasaare Abiy Axmed uu ย yiri waxaa la mideynaya labada dal, waxa la mideynaya waa Dhaqaalaha labada dowladdood, taasna Midowga Yurub, Midowga Africa iyo waddamada horumaray ayaa ku dhaqma, cadowgeenna waa Faqriga iyo Gaajada waana in aan ย si wadajir ah ula dagaallamaan labada dalโ€.

Safiirka dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Danjire Jamaaludiin ayaa sheegay in Jiilashada hadda ee labada waddan in aysan u baahneyn colaadihii la soo maray oo ilbaxnimadu ay tahay in la isdhaxgalo.

Dalka Itooobiya waxaa ka jira isbaddello siyaasaddeed, taas oo keentay in maxaabiista qolyaha mucaawadka laga sii daayo Xabsiyada dalka Itoobiya, sii deynta Qalbi-dhagaxna ay qeyb ka tahay isbaddelladaas Itoobiya ka socda.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha Hirshabeelle oo booqday difaaca deegaanka Geel-gub

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe)...