War-murtiyeed: Shirka shanaad ee Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee DFS, D/Goboleedyada iyo G/Banaadir oo soo xirmay

Date:

Muqdisho (SNTV) Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), waxay martigelisay kulankii Shanaad ee Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka oo ay kasoo qeybgaleen Wasiirada Darstuurka ee Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalkaiyo Maamulka Gobolka Banaadir kaasoolagu qabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 29-30 Juun 2018.

Kulanka waxaa si rasmi ah u furay Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS Dr. Xuseen Cabdi Cilmi waxaana soo xiray Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee XFS Avv. Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil

UJEEDOOYINKA KULANKA SHANAAD EE MADASHA:

  1. Kala warqaadasho iyo soo jeedin warbixino ku saabsan howlaha Wasaaradda Arrimaha Dastuurka XFS, Wasaaradaha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir saddexdii bilood ee lasoo dhaafay (Abriil – Juun 2018) iyo Saddexda bilood ee soo socota (Luulyo – Sibteembar 2018).
  2. Warbixin heerka uu marayo qorshaha tababarka tababarayaasha Waxbarashada Madaniga iyo Wacyi-gelinta Dadweynaha iyo qorshooyinka xiga.
  3. Waxyaabaha hortabinta leh kadib qabsoomidii Shirweynaha Qaran ee Dib-u-Eegista Dastuurka.
  4. Xal u helida caqabadaha ku hareereysan Geedi-socodka Dib-u-Eegista Dastuurka.

QODOBADA KA SOO BAXAY MADASHA

Wadaxaajood iyo falanqayn dheer kadib, madashu waxay isku raacday qodobadan soo socda:-

1) Madashu waxay uga mahadcelineysaa Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo martigelisay shirka shanaadee madasha.

2) Madashu waxa ay soo dhaweeysay horumaradii laga gaaray Geedi-socodka Dib-u-Eegista Dastuurka ee seddexdii bilood ee la soo dhaafay sida qabsoomidii Shirweynihii Qaran ee Dastuurka, tababarka tababarayaasha ee Waxbarashada Madaniga iyo Wacyigelinta Dadweynaha, iyo heshiisyadii Golaha Amniga Qaranka ay ku gaareen magaalada Baydhabo 5tii Juun 2018ka.

3) Madashu waxa ay garwaaqsatay qodobadii ka soo baxay shirkii Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ee 13-16 Maajo 2018 ee ka dhacay magaalada Baydhabo kuwaasoo ku aadanaa hawlgelinta xubnaha Dowlad Goboleedyada u soo magacaabeen Gudigga La-Socodka Dib-u-eegista Dastuurka Baarlamaanka iyo Gudigga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dasturka.

4) Madashu waxaay tallaabo horumar leh ku tilmaamtay hirgelinta Tababarka Tababarayaasha Waxbarashada Madaniga iyo Wacyigelinta Dadweynaha ee dib-u-eegista Dastuurka ee ka dhacaya caasimadaha Dowlad Goboleedyada.

5) Madashu waxay isku raacday daadejinta Waxbarashada Madaniga iyo Wacyigelinta Dadweynaha illaa heer gobol, degmo iyo tuulo, iyadoo ay hogaaminayaan Wasaaradaha Dastuurka ee Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

6) Madashu waxay ku heshiisay in si wadajir ah dhaqaale loogu raadiyo ololaha daadejinta Waxbarashada Madaniga iyo Wacyigelinta Dadweynaha si muwaadin kasta oo Soomaali ah (heer gobol, degmo iyo tuulo)fursad ugu helo ka qaybqaadashada Dib-u-Eegista Dastuurka.

7) Madashu waxey isla garatay in Hay’adaha Federaalka ee u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka ay xaliyaan tabashada Jubbaland.

8) Madashu waxay isla garatay in kulanka lixaad ee madasha la qabto Sibteembar 2018ka.

9) Madashu ugu dambayn waxay u mahadcelinaysaa Beesha Caalamka, Hay’adaha Caalamiga iyo Hay’adaha Soomaaliyeed ee Maxaliga ah taageeradoodaku aadan hanaanka dib-u-eegista dastuurka iyo dhameystirkiisa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...